|
Gaangistaro Muqdisho ka abaabulayay Qaraxyo iyo dilal Qorsheysan oo gacanta lagu dhigay
Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Gaangistaro Muqdisho ka abaabulayay Qaraxyo iyo dilal Qorsheysan oo gacanta lagu dhigay
Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Istadiu Muqdisho ku soo bandhigay hub iyo maleeshiyaad ay ku soo qabteen howlgalo ay ka sameyeen qaar ka mid ah dagmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxyabaha ay soo bandhigeen saraakiisha ayaa waxaa ka mid ahaa kimikooyinka laga sameeyo wax yaabaha qarxa, alaabo ay ka mid yihiin bagaashka, dhar iyo dad falalkaas ku eedeysan kuwaas oo lagu soo qabqabtay howlgalka ay ka sameyeen ciidanka xoogga qaar ka mid ah dagmooyinka gobalka Banaadir.
Goobta waxyabahaas lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka hadlay C/llaahi Cali Canood oo ah taliyaha Gaaska Koobaad ee ciidanka xoogga dalka waxa uuna sheegay in kiimikada laga sameeyo waxyaabaha qarxa.
Sidoo kale Taliyaha ayaa intaa ku daray in howlgalka ay ku soo qabteen hubka iyo dadka, ay gacan ka geysteen dadka dagan dagmooyinka gobolka waxa uuna intaa ku daray in ay sii soconayaan howlgalada dalka looga safeynayo maleeshiyadda shabaab.
Hubkan ay maanta soo bandhigeen saraakiisha ciidanka ayaa qeyb ka ah dadaalada dalka looga safeynayo maleeshiyadda Al-qaacidada Soomaaliya ee Shabaab kuwaas oo dhibaatooyin badan u qeysto dadka shacabka ah.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|