|
Ciidamada dowlada oo gacanta kudhigay rag weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho
Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ciidamada dowlada oo gacanta kudhigay rag weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho
War deg deg ah oo iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada dowlada gacanta kusoo dhigeen rag qorsheenayay in weerar ku qaadaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Adan Adde International Airport.
Ragan la qabtay ayaa la sheegay in ay wateen Qoriga Baasuukaha loo yaqaan kaa ay doonayeen in Caawa ay ku weeraraan Garoonka iyagoona la dhax galay Xero barakac oo garoonka ku dhaw si ay halkaasi uga ridaan kadibna uga baxsadaan.
Ragan Weerarkan qorsheenayay oon tiradooda si rasmi ah loo heyn ayaa waxaa ka war herlay gacanatana kusoo dhiigay Ciidamo katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida kuwaa oo rasaas ku furay kadibna gacanta kusoo dhigay rag looga shakisan yahay in ee qeyb ka ahaayeen raga damacsanaa in ay weerarka geestaan
Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Col.Maalin oo Daqiiqado kahor hadlay ayaa sheegay in Ciidanak Booliiska iyo Nabad Sugida fashiliyeen weerar caawa la doonayay in lagu qaado garoonka Aadan Cadde ayna soo qabteen dhoor nin ay ka shikasanyihiin qaarkoodna Shabaab yihiin.
Col.Maalin ayaa xusay in ragan hada gacanta lagu hayo laguna sameyn doono baaritaano isagoona xusay in ay kujiraan rag Shabaab ah oo la yaqaan kuwaa oo kasoo dagaalmay Baladweyn iyo Meelo kala duwan iyaguna qirteen.
Waa weerarkii ugu horeeyay Nuuciisa ah oo lagu doonayay in garoonka Aadan Cadde Caawa lagu qaado taa ay Ciidamaad Dowlada caawa ku guuleesteen in ay fashiliyaan gacanatan kusoo dhigay Qorigii baasuukaha ahaa iyo rag laha shakisan yahay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|