Somali News
    Hees  

AMISOM oo Waqti kordhin gaaban loo sameeyay Howlgalkooda Soomaaliya ay ka wadaan

Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo Waqti kordhin gaaban loo sameeyay Howlgalkooda Soomaaliya ay ka wadaan

Golaha ammanka QM ayaa fadhi ay maalintii arbacada ay yeshen waxa ay isla ogolaadeen in ciidamada midawga afrika ee ka hawgalaya Soomaaliya loogu daro maandetkooda 7-maal mood kuwaasi oo ay hawgalkoda ku akeyd 31-kii bishi october, Golaha amanka 15-kisa xubnood ayaa ka fadhisan doona kadib marka ay dhamato 7-dasi maal mod sidii hal sano logu kordhin lahaa ciidamada AMISOM hawgalka ay kawadaan Soomaaliya.

Xubnaha golaha amanka ayaa kula kala aragtiyo duwanaaday sidii loo meel marin lahaa dib u eegid lagu sameeyo in somalia laga qaado xayiraada dhanka hubka ee lagu soo rogay sanadii 1991-ki.

Sidoo kale inta uu soconayay fadhiga looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa xubnaha golaha amanka waxa ay isla soo hadal qaaden xayirada dhanka dhoofinta dhuxasha ee Soomaaliya saran.

Diblomasiyinm kusugan xarunta QM ayaa sheegay in ay socon doonan ka doodista arimaha dalka Soomaaliya.

Diblomasiyinta aya sidoo kale sheegay in todobadka soo aadan la dhamaytri doono arrimaha kaga aadan Soomaaliya iyadoo fadhigi golaha ay sameyn ku yeelatay dabaeelaha saandi ee maraykanka ku dhuftay.

Golaha ayaa arbacada soo socota ka fadhisan doona sidii ay uga doodi lahayen waqti kordhinta ciidamada Amisom ee kusugan Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)