|
Maamulka Gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay Weriyeyaal faafiyay dilkii taliyaha loogu geystay Magaalada B/Weyne
Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay Weriyeyaal faafiyay dilkii taliyaha loogu geystay Magaalada B/Weyne
Maamulka magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa saakay xabsiga dhigay afar weriye oo ka howlgala gobolkaasi, waxaana weriyeyaasha oo ciidamada Dowladda ay ka soo qabqabteen goobo kala duwan la sheegayaa in iminka su'aalo lagu weydiinayo xabsiga saldhigga ciidamada magaalada B/Weyne.
Wararku waxay sheegayaan in xariga weriyeyaasha uu ka dambeeyay kaddib markii lagu soo eedeeyay inay warar ka gudbiyeen dilka Taliyihii ciidamada howlgelinta dowladda Federaalka ee shalay lagu dilay bartamaha magaaladaasi, waxaana lagu eedeynayaa in warkaasi uu ahaa mid ka baxsan saxaafadda xorta ah waxna loogu dhimay maamulka gobolka Hiiraan.
Afarta Weriye oo lagu kala magacaabo C/Risaaq Al-Cadaala oo ka howlgala TV Royal, Ibraahim Baashaal Horncaple TV, Cabdi Ciise Somalisat TV iyo C/Weli Tawakal Universal TV ayaa la filayaa inuu dhowaan war ka soo saaro maamulka gobolka Hiiraan dembiyada ay ku eedeynayaan.
Dhinaca kale ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM/Jabuuti ayaa saakay bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu baarayo cidii ka dambeysay dilka taliyaha ciidamada, iyagoo baaritaano kula dhaqaaqay dhammaanba xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada B/Weyne, isla markaana la sheegayo in howlgaladaasi lagu soo qabqabtay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen shirqoolka lagu dilay Taliyaha.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|