Somali News
    Hees  

Mid ka mid ah Gacan ku-dhiiglihii South Africa ku dilay haweeney Soomaali ah oo gacanta lagu soo dhigay

Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mid ka mid ah Gacan ku-dhiiglihii South Africa ku dilay haweeney Soomaali ah oo gacanta lagu soo dhigay

Iyadoo dhawaan ay ahayd markii dalka Koonfur Africa lagu kufsaday ka dibna la daldalay Gabar Soomaaliyeed oo uur Sagaal Bilood lahayd Taasi oo lagu magacaabi jiray Nasro Maxamed Qamaan ayaa arinteeda waxaa markii ugu horeysay loo qabtay mid ka mid ah Dilaaga halka Kuwa kale lagu Raad joogo.

Hadaba Wariye Maxamed Muse Nuur Deeqdarajo oo ah wariyaha Koowaad ee dalka Koonfur Africa ugu soo waramaya Tv-ga Universal oo fadhigiisa yahay Magaalada Cape Town ayaa safar uu arintaasi kusoo baarayo ku aaday Magaalada Port Elizabeth oo ugu yaraan 1000Km u jirta Magaaladaasi.

Wariye Deeqdarajo ayaa soo waraystay Ninka Qabay Nasro Maxamed Qamaan alaha u naxariistee ayaa u sheegay in uu aad u jeclaa xaaskiisa sidoo kale wariyaha ayaa waraysi kasoo qaaday Wiilka La dhashay Gabadhasi wuxuu sidoo kale booqday Qabriga Allaha u naxariistee Marxuumada laga gar darnaa.

Waraysiga ayaa lagu soo qaatay barnaamijka Arimaha Bulshada oo Soomaalida aad u jeceshahay iyadoo uu soo tabinayey Maxamed Muse Nuur oo ku magac dheer Deeqdarajo.

Daawasho Wacan.
(http://www.youtube.com/watch?v=bJ78N26zNrE&list=UUbTf4RlbdSjTdaE9p2SpWyg&index=1&feature=plcp)

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)