|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qaabilay wafdi ka socday Switzerland
Mogadishu Khamiis 1 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

(Mogadishu, Somalia, November,01, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaaminayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd xasilinta dalka, dib u dhiska iyo Horumarinta.
Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya qorshoodu ballaarin doonaan islamarkaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Siyaasadda, Dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha Swiss Eveline Widmer Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.


- Dhamaad –
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|