|
Bandow xalay lagu soo rogay magaalada Kismaayo iyo saraakiil kulan ka yeelatay xaalado ka jira magaaladaasi
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Bandow xalay lagu soo rogay magaalada Kismaayo iyo saraakiil kulan ka yeelatay xaalado ka jira magaaladaasi
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xalay bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo, iyadoo bandowgaasina uu ka dhaqan galay gebi ahaanba xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, xoogagga xarakada Raaskambooni iyo kuwa AMISOM ay gaaf wareegayeen waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi, iyadoo la sheegayo in howlgallo baaritaanno ah ay ka bilaabeen gudaha magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale shalay gelinkii dambe magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulan ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM iyo xarakada Raaskambooniyiinta, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada oo maalmahaan u muuqday mid faraha ka sii baxaya ayaawaxaa kulankooda ka soo baxay qodobo dhowr ah.
Go'aanada ka soo baxay saraakiishaasi oo aan Warbaahinta laga shaacin ayaa waxaa inoo suuragashay inaanu ka helno xog muhiim ah oo ku saabsan istiraatiijiyada la xariirta nabadda magaalada Kismaayo, waxaana ka mid ah go'aanada ka soo baxay kulanka saraakiisha in haraaga kooxaha Al-Shabaab laga sifeeyo gudaha magaalada.
Waxaa kale oo ka mid ah go'aanada ka soo baxay saraakiisha ciidamada in ciqaab adag la marsiiyo qof kasta oo lagu helo dembi argagixisanimo oo la xariira kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida oo ay saraakiishu caddeeyeen inay gudaha magaalada ku sugan yihiin dhallinyaro la shaqeeya ururka Al-Shabaab.
Bandowga lagu soo rogay magaalada Kismaayo xalay ayaa isbedel xoogan ku keenay isu socodka iyo dhaqdhaqaaqii xilliga habeenka ee ka jiray magaaladaasi, kaddib markii albaabada loo laabay dhammaanba goobihii ganacsiga, isla markaana gawaarida iyo isu socodka dadweynaha uu meesha ka baxay, mana jirin wax shaqaaqo ah oo xalay ka dhacay magaaladaasi marka loo eego habeenadii la soo dhaafay oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|