Somali News
    Hees  

Maamulka Somaliland oo deegaanadeeda shidaal qodis ka bilaabeysa

Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Somaliland oo deegaanadeeda shidaal qodis ka bilaabeysa.

Wasiirka batroolka maamulka somaliland Hussein Abdi Dualeh ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka somaliland qandaraas shidaal qodis ah uu la galay shirkado ajaanib ah oo tiradoodu ay saddex gaareyso islamarkaana dhulka somaliland shidaal qodis ay ka bilaabi doonaan sanadka 2014ka.

Wasiirka batroolka Somaliland ayaa sheegay in hishiis ay wada gaareyn Jacka Resources , listed Ophir Energy iyo Genel Energy kuwaas oo shaqaalahooda geeni doona deegaanada maamulka Somaliland si halkaasi ay uga shaqo bilaabaan.

Afayeeno u hadlay saddexda shirkadood ee maamulka somaliland qandaraaska kula galay shidaal qodista ayaa xaqiijiyay arintan balse waxa ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan qarasha ku baxaya shidaal laga raadiyo deegaanada maamulka somaliland balse Hussein Abdi Dualeh wasiirka batroolka mamulka somaliland ayaa sheegay in shidaal qodista ay ku kaceyso lacag dhan $400 million .

Wasiirka ma uusan carabaabin goobaha laga qodayo shidaalka basle waxa uu tibaaxay in wafuud saddexdaasi shirkadood ka socota maalmaha soo socda ay soo gaari doonaan magaalada hargeysa oo hadda caasimad u ah maamulka sheegay in somalia inteeda kale uu ka go’ay ee somaliland la
yiraahdo.

"Waxana leenahay awood aan hishiis kula gaari karno dowlado ama shirkado ajaanib ah maxaa yeelay , waxaa nahnay dad qaatay
dimuquraadiyad si aan musuq maasuq aan ku jirina u qabsada doorashadiisa"ayuu yiri Wasiirka batroolka maamulka somaliland
Hussein Abdi Dualeh.

Shidaal qodista laga bilaabi rabo deegaano ku yaala maamulka somaliland ayaa ku soo aadeysa xilli sidoo kale maamulka kale ee la
magacbaxay puntland uu deegaanada uu ka arimiyo uu ka bilaabay shidaal qodis.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)