Somali News
    Hees  

Magaalada Kismaayo oo la filaayo inay garaan Wafdi ka socda hay'adda UNPOS

Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Magaalada Kismaayo oo la filaayo inay garaan Wafdi ka socda hay'adda UNPOS

Wafdi uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Xogahayaha guud ee Q/M u qaabilsan Soomaliya ayaa lagu wadaa inay gaaraan saacadaha dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Wafdigan ka socda xafiiska siyaasada u qaabilsan Q/M ee UNPOS ayaa qiimeyn ku sameynaya xaalada magaalada Kismaayo, waxaana wafdiga uu kulamo la qaadan doonaan saraakiisha ciidamada huwanta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mahiga iyo wafdigiisa ayaa xooga saari doona marka ay gaaraan maanta magaalada Kismaayo sidii maamul loo dhan yahay ay u sameysan lahaayeen dadka dega jubooyinka.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada ay tahay mid bandow, waxaana howlgalo saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen ciidamada Huwanta ah lagu soo qabqabatay dad kor u dhaafaya boqol ruux.

Kenya iyo ururu goboleedka IGAD ayaa faraha kula jiray maamul usameynta Kismaayo, mar arintaasi ay ka hadashay dowlada Soomaaliyana waxa ay ugu baaqday IAGD iyo Kenya inay faraha kala baxaan arimaha Kismaayo, waloo ururu goboleedka IGAD uu sheegay in maamul usameynta Kismaayo ay u magfaxbnaantahay dowlada Soomaaliya balse uu ka caawinayaan dhianaca Farasamada.

Tagista Mahiga ee Kismaayo ayaa ku soo aadeysa xili muran badan uu ka taaganyahay maamul usameynta Kismaayo.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)