|
Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku soo bandhigay rag burcad ah iyo walxo, sheegayna in Al-Shabaab ay la soo baxeen farsamooyin cusub
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku soo bandhigay rag burcad ah iyo walxo, sheegayna in Al-Shabaab ay la soo baxeen farsamooyin cusub
Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada Dowladda C/llaahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ku soo qabqabteen hub iyo dhallinyaro tuugo ah wuxuuna hoosta ka xariiqay in kooxda Al-Shabaab ay la soo baxeen farsamooyin cusub oo ay ku horumariyeen walxaha qarxa.
Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen caagag jirigaanno 20LT qaad ah oo laga soo buuxiyay walxo qarxa, taasi oo uu sheegay inaysan weli horay u arag isla markaana loogu talo galay rubac ka mid ah walxahaas caagagga ku jira in lagu gubo ugu yaraan hal Taangi.
"Ashyaa'da halkaan ka muuqata waa qeybta ugu casrisan ee AlShabaab uu heysto" ayuu yiri C/llaahi Cali Caanoow oo dhinaca kale sheegay in wax yar oo ka mid ah walxaha caagaga ku jira awoodoodu gaarsiisan tahay inay laayaan ilaa 300KM oo isku wareeg ah.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in dhallinyaro tiradoodu ka badan labaatan ay soo qabteen, kuwaasi oo isugu jira qaar ciidamada ka fakaday iyo kuwo kuwo hubeysan oo iyagu falal dhac ah ka geysan jiray xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi raaciyay in sidoo kale ay soo qabteen ilaa afar ruux oo iyagu iibsan jiray wax kasta oo la soo dhaco.
Taliyaha ayaa ammaan u jeediyay ciidamada dowladda, kuwaasi oo uu sheegay inay ka dhabeeyeen wixii ay u soo dhaarteen isla markaana dadkooda iyo dalkooda ka difaacay shirqoolkii ay la maaganaayeen kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida.
"Waxaan si gaar ah ugu ammaanayaa taliyaha guutada afaraad oo isagu sheegay in markii ay heleen caagaga jirigaanada ah ee walxaha qarxa laga soo buuxiyay isagu diiday lacag toban Dollar ah oo ay u ballanqaadeen kooxihii watay haddii uu sii daayo" ayuu yiri C/llaahi Cali Caanood oo ku booriyay dhammaanba ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan inay raacaan wadadaas oo kale oo ay u istaagaan difaacida dalkooda iyo dadkooda.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|