|
Maxkamadeynta 6-qof oo Somalia burcad baded ah oo kasoo muqanaya
maxkamad ku tala wadankasi
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxkamadeynta 6-qof oo Somalia burcad baded ah oo kasoo muqanaya
maxkamad ku tala wadankasi.
Maxkamad ku taala wadanka spain ayaa lagu wadaa maanta in ay kasoo
muuqdaan 6-qof oo Somalia ah kuwasi oo lagu soo qabtay iyagoo ku guda
jira fal burcad badednimo ah.
Markab kamid ah kuwa spanishka ee ka qeyb qaadanaya hawgalka la
dagalanka koxaha burcad badeda Somalia FVIzurdia ayaa 6-daano qof
gacanta kusoo dhigay iyagoo isku daayayay in ay afduub kula kacaan
dooni kaloomesi oo laga leeyahay wadanka spain.
6-qof ee lagu eedenayo burcad badednimada ayaa gacanta lagu soo dhigay
bishii tagtay 24-keedi iyagoo ku sugnaa 120-mayl goob u jirta konfur
bari jasiirada soqadra.
Kooxaha burcad badeda somalida ayaa ah kuwo weeraro ka samenaya
xeebaha Somalia iyo goobo ka baxsan mana aha marki ugu horeysay oo kox
burcad baded Somalia ah lagu maxkamadeyo wadamada ka qeyb qaadanaya la
dagalanka kooxahasi.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|