|
Maraykanka iyo Uganda oo maanta ka wada hadlaya xaalada Soomaaliya
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka iyo Uganda oo maanta ka wada hadlaya xaalada Soomaaliya.
Wakilka wasarada arimaha dibada maraykanka ee arimaha siyaasada
haweyneeda lagu magacaabo Wendy Sherman ayaa maalinti khamista waxa ay
booqasho uga bilaabatay wadanka Uganda iyadoona socdaalo ku kala bixin
doonta wadamada konfur afrika Kenya iyo itoobiya.
Mrs Wendy Sherman ayaa markii ay ka dagatay garoonka diyaaradaha
casimada kambalada ee wadanka Uganda waxa ay kula hadashay saxafada
wadankasi iyadoona ka warbixisay hadafka ay u tagtay wadankasi.
Wendy Sherman ayaa carabawday in socdaalkeedi ay ku tagtay dalka
Uganda uu salka ku hayo sidi ay loo balaarin lahaa isbahesiga
maraykanka uu la leeyahy dawlada Uganda, maanta ayaa la filaaya in ay
la kulanto masuuliyinta wadankasi Uganda arimaha la isla soo hadal
qaadi doona ayaa waxa kamid noqon doona xalada dalka Somalia iyo
hawgalka ciidamada midawga afrika ay ka wadaanka Somalia ayna qeybta
ka tahay ciidamada ka socda wsadanka Uganda.
Mrs Wendy Sherman ayaa shaca ka qaaday in maraykanka uu taagero
balaran u hayo dawlada Uganda dawrka weyn ay ka cayaartay hawgalka
nabad ilaalinta ee laga wado Somalia.
Arimaha ay maanta diirada saari doonan wakilka wasarada arimaha dibada
maraykanka iyo masuuliyinta wadanka Uganda ayaa waxa kamid ah dhanka
nabad galyada gobolka dhaqaalaha ku baxa ciidamada amisom iyo sidii
loo dar dar galin lahaa ladagalanka kooxaha argagexisada ee ka dhaq
dhaqaaqaya bariga afrika.
Uganda ayaa ah dawlada ugu badan oo ciidamo nabad ilaalin ah u soo
dirta dalka Somalia kuwasi oo wardiyo ka haya xarumaha dawlada
Somalia.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|