|
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Dowladda iyo AMISOM oo ka degay magaalada Kismaayo, wadahadalana la yeeshay Bulshada ku dhaqan Magaaladaasi
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Dowladda iyo AMISOM oo ka degay magaalada Kismaayo, wadahadalana la yeeshay Bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka ambabaxay wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka tirsan QM iyo AMISOM oo ka degay magaalada Kismaayo, waxayna wafdiga kormeer ku tageen goobo dhowr ah.
Wafdiga waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha ciidamada Dowladda iyo saraakiisha QM iyo AMISOM, waxayna magaalada Kismaayo kulamo kula yeesheen madaxda Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.
Kahor intii aanay wafdiga iyo madaxda Kismaayo kulan gaar ah yeelan ayaa waxay booqdeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, xarunta maamulka magaalada Kismaayo iyo fariisimooyin dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga Dowladda ka socda iyo saraakiisha QM iyo AMISOM ayaa kulan albaabada u xiran oo ay yeesheen waxay ka wadahadleen arrimaha nabadgelyada iyo iskaashiga dhinacyada maamulka Kismaayo loo sameynayo iyo arrimo kale.
Kulanka saddex geesoodka ah ayaa la filayaa in saacadaha socda ay ka soo baxaan warsaxaafadeed ku saabsan waxyaabihii ay ka wadahadleen iyo go'aanadii kulankaasi laga soo saaray, waana markii ugu horeysay oo wafdi ka tirsan Dowladda uu halkaasi booqdo, inkasta oo ay horay u jireen xiriiro aan wanaagsaneyn oo u dhaxeeya maamulka ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|