|
QM oo hubka u fasaxday weriyeyaasha ka howlgala dalka Soomaaliya
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

QM oo hubka u fasaxday weriyeyaasha ka howlgala dalka Soomaaliya
Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augusting Mahiga ayaa kulan uu Muqdisho kula yeeshay Weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya waxa uu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tan iyo markii uu xilka hayay.
Waxa uu sheegay Danjiraha in dadaalada lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda iyo asaaska dowladnimada Soomaaliya ay tahay mid meel wanaagsan mareysa, wuxuuna xusay in xilligii shirka dib u heshiisiinta, hirgelinta heshiiska Kampala iyo ansixinta qorshaha tubta nabadda (Roadmap) uu ahaa mid inta badan lagu guuleystay.
"Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha waqti badan ayay ku qaadatay inay soo dhisaan Golaha Wasiirada gabagabo ayayna u mareysaa" ayuu yiri Augusting Mahiga oo sheegay dhinaca kale ka hadlay dilalka qorsheysan ee maalmahaan loo geysanayo weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in QM ay cambaareyneyso dilalka loo geysanayo Weriyeyaasha ka howlgala dalka Soomaaliya, wuxuuna ku booriyay weriyeyaasha si ay howlahooda u sii wataan inay ku khasban yihiin sidii ay naftooda u difaacan lahaayeen, wuxuuna caddeeyay inay qaataan hub.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Mr. Mahiga in dowladda Federaalka ay tahay mid aan awoodin inay difaacdo dilalka loo geysanayo weriyeyaasha, balse arrintaasi looga hortegi karo oo kaliya in qof kasta oo howlo warfaafin ku guda jira ay la gudboon tahay inuu qaato hub uu iskaga difaaco cadow kasta oo naftiisa soo weerara.
"Weriyeyaasha Soomaaliyeed waa inay qaataan hub ay naftooda ku difaacaan" ayuu yiri Augusting Mahiga oo sheegay in dilalka loo geysanayo weriyeyaasha uu ku lug leeyahay ururka Al-Shabaab iyo kooxo kala duwan oo aanay wax dan ah ugu jirin howlaha warfaafinta, kuwaasi oo uu sheegay inay doonayaan inay damiyaan aqbaaraadka kala duwan ee la isku dhaafsanayo qalabka warbaahinta.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|