|
Shir looga hadlayo arrimo Soomaaliya ay ka mid tahay oo ka furmaya dalka Masar
Mogadishu Jimco 2 November 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir looga hadlayo arrimo Soomaaliya ay ka mid tahay oo ka furmaya dalka Masar.
5-ta bishan November oo ku aadan isniinta soo socota ayaa lagu wadaa in
dalka Masar uu ka furmo shir heer caalami ah oo ay ka soo qeyb geli
doonaan madax iyo dublumaasiyiin tiradoodu ay kor u dhaafeyso 200 oo
ka kala imaanaya QM iyo Ururka midowga africa.
Wasiirka arimaha dibadda dowladda Masar Max’ed Cumar ayaa sheegay in
shirka looga hadlayo amaanka qaaradda africa islamarkaana uu soconayo
labo maalmood .
Wasiirka ayaa sheegay in ajandayaasha shirka looga hadlayo ay ugu
horeeyaan waxka qabashada amaanka dalka somalia iyo sidii AMISOM loo
gacan siin lahaa gacan qabashada dowladda Cusub ee somalia si dowladda
somalia ay ugu guuleysato hanashada amaanka dalka.
Ambassador Iihaab badawi oo maamule ka ah xarunta lagu qabanayo shirka
aya sheegay in madaxda iyo dublumaasiyiinta mudnaanta ay siin doonan
sidii qaaradda africa ay u noqon laheyd aag ka maran waxa loogu yeero
argigixisada qalqalka gelinaya amaanka wadamo ku yaala qaaradda
Africa.
Mas’uuliyiinta ka qeybgeli doonta shirka ayaa waxaa kamid ah
madaxweynihii hore ee dalka Gana John kofar ,guddoomiyaha ururka
midowga africa Nkosazana Zuma , cawiyaha xogayaha guud ee ciidamada
AMISOM Admen mullet , waxana sidoo kale shirka ka qeybgeli doonta
madaxda wadamada Somalia , Gongo , burundi , ivory coast , sudan ,
koonfurta suudaan iyo wadamada dhaca galbeedka qaaradda Africa.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|