Somali News
    Hees  

Hey’adda Oxfam oo ka wal walsan nolosha malaayiin Soomaali ah oo u baahan in gargaar la gaarsiiyo

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Hey’adda Oxfam oo ka wal walsan nolosha malaayiin Soomaali ah oo u baahan in gargaar la gaarsiiyo.

Daraasad ay sameysay hey’adda Oxfam oo fadhigeedu uu yahay dalka ingiriiska ayaa waxa ay ku sheegtay inay sii xumaaneyso nolosha malaayiin ruux oo soomaalia oo ku sugan gudaha somalia iyo xerooyinka qaxootiga ee ku yaala dalka kenya.

Daraasadda ay sameysay hey’adani ayaa waxa ay ku sheegtay in xaaladda malaayiin ruux oo soomaali ah ay qatar ku jirto haddii aan gar gaar la gaarsiinina ay xaaladooda ka sii dari doonto bilaha foodda inagu soo haya.

Dadka ku nool gobollada dhaca bartamaha iyo koonfurta somalia gaar ahaana gobollada Gedo, Jubada hoose iyo Bakool ayay hey’addu waxa ay sheegtay inay yihiin kuwa ugu daran oo dhibaatadu ay heysato islamarkaana ay caruurta qarka u saaran yihiin inay dhintaan sababo la xiriira nafaqo darro iyo daryeel la’aan.

236,000 oo curuur ayaa hey’adani waxa ay leedahay " waxaa heysata cunno iyo daawo la’aan , jirkooduna waa kuwo lafo lafo noqday , waxana ay u baahanyihiin inay gar gaar helaan".

Baaritaanka ay sameysay hey’adan Oxfam ayaa waxa ay ku soo ogaatay in 72% dadka ku nool gobollada kor ku xusan aysan heysan cunno ku filan 4ta bilood ee soo socota .

Hadalka hey’adan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay qeylo dhaan ku aadan gargaar ay ka soo yeerayeen kumanaan soomaali ah oo xaalad xumo ay ku heysato gudaha dalka iyo xerooyin qaxooti oo ku yaala dalalka somalia deriska la ah sida Kenya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)