Somali News
    Hees  

Jaaliyada Somali Bantu Of South Africa oo xaflad Taageero ah u dhigtay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyada Somali Bantu Of South Africa oo xaflad Taageero ah u dhigtay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.

Xaflad Si heer sare loo soo agaasimay ayna soo buuxdhafiyeen Culumada, Qoonyahanada waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwa eek u nool Magaalada Cape Town ee dalka K/Africa ayaa xafladasi oo ka koobneyd laba qeyb oo kala ahaa taageero Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon iyo Caleemo Saar Gudoomiyaha cusub ee jaaliyada Jareer Weyne ee South Africa.

Xafladani ayaa waxaa soo agaasimay Jaaliyada Somali Bantu Community in South Africa ayaa waxaa gudoomiye loo caleema saaray Wiil uu dhalay fanaanka weyn ay Soomaalida aad u jecashahay ee Faarax Siidoow Faarax kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Farax Siidow Arbow iyadoo xafladasi uu goob joog ka ahaa Suldaanka Beesha iyo wafdi uu horkacayey oo ka yimid gobolka Barwaaqo Sooranka ee Gueteen ee dalka South Africa.

Hadaba Munaasabadani ayaa waxaa ka hadlay Suldaanka guud ee Beesha Jareerweyne ee South Africa Suldaan Ibraahin Maxamed Cali isagoo caleema saaray gudoomiyaha jaaliyada Somali Bantu Community ee South Africa. Ayaa waxa uu kula dardaarmay in uu u shaqeeyo gudoomiyaha qof kasta oo Soomaali ah isla markana talefonkiisa uu daarnaado 24 saac si shacabkiisa ay xilli walba ay usoo wici karaan hadii ay u baahdaan caawinaad dhanka jaaliyada ah.

Gudomiyaha Jaaliyada Soomali Bantu Community of South Afica Maxamed Faarax Sidow oo ku magac dheer Arboow ayaa balan qaaday in uu la shaqeyn doono hey’adaha kala duwan ee Somalida iyo kuwa ka jira dalkani isagoo sheegay in si cadaalad ah ku dhaqi doono inta uu xilkani culus u haayo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu la shaqeyn doono qof walba oo wada dadaal loogu mira dhalinayo dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii dalkeena hooyo ee Soomaaliya uu u noqon lahaa dal markale kaalmaha hore ka gala wadamada caalamka.

Afhayeenka Ururuka Somali Banto Community of South Africa Maxamed Cabdi Badi oo hadal dheer ka jeediyey madasha xaflada ayaa sheegay in ay xafladani ku taagerayaan Raisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo gebi ahaan Dowlada Soomaaliya iyo isbadala la taaban karo ee hormiraneed ee ka socda dalkeena Soomaaliya.

Hadaba xafladani ayaa ahay tii ugu horeesay ee ka dhacdo dalka K/Africa oo lagu taageero Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyadoo ay socoto qaban qaabayaal xoogan oo lagu taageerayo Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la magacaabay.







Qore:Maxamed Muse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo36@hotmail.com

Cape Town, South Africa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)