Somali News
    Hees  

Mid ka mid dadkii Soomaaliya isku qarxiyay oo la ogaaday in lagu qasbay inuu is qarxiyo. (Warbixin xasaasi ah)

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mid ka mid dadkii Soomaaliya isku qarxiyay oo la ogaaday in lagu qasbay inuu is qarxiyo. (Warbixin xasaasi ah)

Mid ka dhalinyarada Soomaaliyeed ee la aaminsan yahay inay inta Maraykanka kasoo taageen ay Soomaaliya yimaadeen kadibna ay ka bar bar dagaalameen ayaa la sheegay in lagu qasbay inuu is qarxiyo.

Shirwac Axmed oo Soomaaliya isku qarxiyay sanadkii 2008 ayaa la sheegay inuusan raali ka aheyn falkii is qarxinta ahaa sidaasna waxaa maxkamad ku taala Minneapolis. Ka sheegay Salax Cusman Axmed oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka bar bar dagaalamay Al-Shabab oo haatan maxkamadeyntu socoto.

Saalax waxaa uu sheegay in Shirwac ka hor inta uusan is qarxin uu damacsanaa inuu Maraykanka ku laabto oo uu faraha kala baxo hawlaha Al-Shabab maadaama uusan ku qanacsaneyn sida uu yiri.

Wargeyska Star Tribune oo ka mid ah wargeyskayadfa kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in Shirwac Axmed uusan markii horeba wax badan uusan ka fahamsaneyn dagaalada ay Shababku wadaan Maraykanka ay dhalinyaro kale ka wadeen waxaana warku intaa ku darayaa in xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ay ka hor istaageen Shirwac uu Maraykanka ku laabteen kadibna ay ku qasbeen inuu sameeyo fal is qarxin ah.

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee hadalkaan ka hor sheegay maxkamada ayaa cadeeyay in inta badan dhalinyarada Maraykanka kasoo tagtay aysan ujeedkoodu aheyn inay Al-Shabab ku biiraan hase ahaatee ay waday qadiyad inay la dagaalamaan ciidamada Ethiopia oo xilligaas Soomaaliya kula dagaalamayay ciidamadii maxkamadaha Islaamka.

"Waxay aheyd xilli lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadan waxaana u soconay inaan la dagaalano ciidamada Ethiopia oo Soomaalidu cadw u aaminsan yihiin laakiin ujeedkeenu ma aheyn inaan ku biirno argagixisada" ayuu yiri Salax Cusman Axmed oo maxkamada ka hor hadlayay.

"Wuxuu ku jiray xero ciidamada lagu tababaro waxaana uu damacsanaa inuu Kismaayo noogu yimaado waxaana uu sheegtay inuu xanuunsanyahay oo uu doonayo inuu is weydiiyo laakiin arrintaas waa laga diiday kadibna hogaamiyaasha Shabab waxay ku qanciyeen inuu is qarxiyo" ayuu sidoo kale Saalax yiri asagoo xiran dharka maxaabiista ee midabkiisu Oronjaha yahay.

Saalax waxaa uu sidoo kale tilmaamay inay jiraan dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah oo qurbaha ka tagay kadibna markay Soomaaliya yimaadeen la dilay markii ay amaro la faray diideen asaguna uu ka baxsaday Shabab waxaana hadda loo haysta dambiyo ay ka mid yihiin inuu wax ka ogaa dhalinyarada Maraykanka ka timid ee Soomaaliya timid

Shirwac Axmed oo 26 sano jir ahaa ayaa bishii October ee sanadkii 2008 waxaa uu isku qarxiyay dhismo ku yaala deegaanada Puntland.

Illaa iyo 20 dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegaa inay Maraykanka ka yimaadeen kadibna ay ku biireen dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)