Somali News
    Hees  

Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Giriiga laga leeyahay

Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Giriiga laga leeyahay

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay wadanka Gariiga kaasi oo ay muddo Sadex sanno ah ay heysteen.
Markabkaan oo ay la socdaan illaa iyo 24 ruux oo shaqaale ah ayaa la sheegay in burcad badeedu ay sii daysay kadib markii ay ka qaateen lacago madax furasho ah oo aan willi cadadkeeda la shaacin.

Shirkadda iska leh markabkaan ayaa war ay maanta kasoo saartay xafiiskeeda magaalada Athens waxay ku sheegtay in wararka ugu dambeeya ee ay helayso ay sheegayaan in markabkaasi uu ka dhaqaaqay xeebaha Soomaaliya.

Markab nooca shidaalka qaada ah ayaa la aaminsanayahay inuu sidoo shidaal lagu qiimeeyay 32, 100 metric tons waxaana uu ku sii jeeday markii la qafaalanayay dalka Ivory Coast.

Wakaaladda wararka ee Saba ee dalka Yemen ayaa ku waramaysa in burcad badeeda Soomaaliyeed ay lacago madax furasho ah ka qaateen markabkaan ay mudada afduub ahaanta u heysteen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)