|
Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Xerada Qaxoootiga ee IFO Kenya Dabley
hubeysan ayaa xalay ku toogatay Xerada IFO Nabadoon degaanka Caan ka
ahaa
Mogadishu Arbaco 10 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Xerada Qaxoootiga ee IFO Kenya Dabley
hubeysan ayaa xalay ku toogatay Xerada IFO Nabadoon degaanka Caan ka
ahaa
Ninkan Odayga ee la dilay oo lagu magacaabi jiray, Weli Diiriye
Maxamuud ayaan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka
dambeysay, waxaase la helay mid ka mid ka mid ah qoryihii ay wateen
kooxihii dilkiisa geystay.
"Dilku wuxuu ka dhacay suuqa xerada IFO oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab,
kooxaha dilka geystay markiiba way baxsadeen, balse dadweynihii suuqa
ku sugnaa ayaa ka daba-yaacay, waxaana la helay qori ay kooxaha dilka
geystay iska tuureen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xerada IFO.
Ciidammo Kenyan ah ayaa goobta gaaray, iyagoo sameeyay baaritaanno
aysan cidna kusoo qaban, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka
dambeysay dilka odaygaas oo la sheegay inuu ku lug lahaa maamulka
xeradaas.
Qoxootiga ku jira xerada IFO ayaa sheegay in dilkan uu sare u qaaday
walaacii ay horay u qabeen; iyadoo xeryaha Qoxootiga ay dilal noocan
oo kale ah ka dhacayeen tan bishii Oktoobar ee sannadkii hore,
markaasoo ay ciidamada Kenya u soo tallaabeen gudaha Soomaaliya.
Mas'uuliyiin ka tirsan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya ayaa sheegay
inuu aad u xun yahay ammaanka xeryaha, iyagoo dalbaday in haddii aan
magan-galyo la siin karin dib loogu celiyo dalkooda, halkaasoo ay
sheegeen inay markii hore uga soo carareen colaado iyo abaaro
isbiirsaday.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|