|
Xisbiga Hiil-Qaran oo soo dhaweeyay Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha Cusub
Arbaco 10 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xisbiga Hiil-Qaran oo soo dhaweeyay Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha Cusub.
Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasada ee ka jira dalka Soomaaliya, isla markaana ka mid ahaa Xisbiyada kasoo qeyb qaatay Doorashooyinkii dalka Soomaaliya ka dhacay Dhawaan, ayaa mar kale soo dhaweeyay Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya loo Magacaabay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Golaha dhexe ee Xisbiga Hiilqaran ayaa Hambalyo iyo soo dhaweyn loogu diray Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee JF Soomaaliya Dr. Saacid, iyadoona Qoraalka Taageerada ee kasoo baxay Xafiiska Xisbiga uu u qornaa sida tan:.
War-saxaafadeed (09-10-2012) - Xisbiga Hiilqaran wuxuu aad u soo dhoweynayaa Hambalyana leeyahay in Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Dr. Saacid), loo Magacaabo Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya 05-10-2012. Xisbiga HiilQaran wuxuu aad u qaddirinayaa Fikirka iyo Talooyinkii wanaagsanaa ee uu Madaxweynaha Kusoo Xushay Ra'iisul Wasaaraha Cusub.
Waxaa uu xisbiga ugu baaqaya Mudanayaasha Baarlamaanka JF Soomaaliya in ay Texgelin ku sameeyaan wadatashigii dheeraa ee uu Madaxweynaha dalka kusoo Magacaabay Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Dr. Saacid), iyadoona Xisbigia Ra'iisul Wasaaraha Cusub u rajeenayo in uu kasoo baxo howsho adag ee loo igmaday.
Xisbiga Asigoo fiirinaya Aqoonya iyo Waayo Aragnimada uu Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee dalka horey ugu soo shaqeeyay, ayaa waxaa ay Mar kale ugu baaqayaan in uu soo dhiso Xukuumad adag oo xilligaan dalka iyo dadka ka samata bixin karta Marxalada lagu jiro, isla markaana ku hogaamin karta dariiqa Dowladnimo ee saxa ah.
Xisbiga Hiilqaran wuxuu ummadda Soomaliyeed ugu baaqayaa inay taageer hiil iyo hooba, u fidayaan Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee JF Soomaaliya iyo Xukuumada uu soo dhisi doono, si ay uga mira dhaliyaan hawsha adag ee hortaala loo igmaday. Xisboga Hiil Qaran wuxuu ula heelan yahay Xukuumada uu soo dhisi doono Dr. Saacid inta taagtiisu noqoto uu gacan ka geysto dib u soo nooleynta qarankii Somaaliyeed, ummadda Soomaaliyeedna dhibaatada looga saari lahaa.
Xisbiga HiilQaran wuxuu mar kale ku celinayaa Taageerada Hogaanka cusub ee Dowlada Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoona eebe ugu baryayaa in ay noqdaan hogaankii dalka u horseeda Dowladnimo isla markaana samata bixiya Marxalada xilligaan lagu jiro.
Wabillahi Towfiiq
Guddoomiyaha Golaha dhexe Hiilqaran
Dr. Ibraahim Mursal
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|