|
Diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanka oo saakay duqeeyay deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.
Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanka oo saakay duqeeyay deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.
Sarkaal sare oo ka tirsam xarakada Al-Shabab magaciisana la yiraahdo Sheikh Ibrahim Jabaar ayaa Tv,ga Press ee ku yaala dalka Iraan u sheegay in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo dowladda Mareykanka ay leedahay ay duqeyn ku dishay 5 dagaalyahan oo Al-Shabab ka tirsan 15 ka badanna ay dhaawacantay.
Sarkaalkan al shabab ka tirsan ayaa sheegay in diyaaraddu ay gantaallo la eegatay guri ku yaala xaafadda Kulbiyow oo ay ku sugnaayeen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al shabab.
Ka hor inta aysan diyaaradda soo ridin gantaalada ayuu sheegay inay hawada xaafaddaasi ay dul meereysaneysay.
Sarkaalkan ka tirsan Al shabab ma uusan sheegin in guriga la duqeeyay ay ku sugnaayeen xubno sar sare oo al shabab ka tirsan sida warbaahinta Presstv ay xuseyso.
Duqeyntaan ayaa timid iyadoo magaalada Kulbiyow ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya ciidamada huwanta ah kuwa Al-Shabab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|