Somali News
    Hees  

Maamulka Maakhir State Oo Wacad ku Maray Inay Si Dhab ah Ula Shaqeynayaan Dowladda Cusub

Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Maakhir State Oo Wacad ku Maray Inay Si Dhab ah Ula Shaqeynayaan Dowladda Cusub

Maamulka Maakhir State, oo ka mid ah Maamulada ugu caansan ee ka jira dalka Somalia, ayaa si aan caadi aheyn ugu riyaaqay isbedelka siyaasadeed ee dhaliyey Dowladda cusub ee ay hormuudka ka yihiin Madaxda cusub ee la doortay.

Maxamed Deeq Sheekh C/laahi, waxa uu ka mid yahay aas-aasayaashii Maamulka Maakhir State ee Somalia laga yagleelay bartamihii 2006, isagoo ku sugan Cape Town, Koonfur Afrika, ayaa waxa uu ku booriyey Dowladda Federaaliga ee Somalia inay si siman ugu adeegto Umadda Soomaaliyeed iyo Maamulada ka jira dalka, isagoo balan qaaday in ka maamul ahaan ay si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan Dowladda cusub.

Deeq, waxa uu sheegay in waxqabad wax ku ool ah oo ilaa iyo iminka ay ku naaloonayaan shacabka Gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn, uu ku tallaabsaday Maamulka Maakhir State tan iyo markii dhidibada loo taagay, waxaana taa lagu gaaray sida uu Maxamed leeyahay wadashaqeyn dhab ah oo uu Maakhir State la leeyahay Maamulada kale.

“Waxaan aad uga xun nahay in shacabka ku nool deegaanada uu ka arimiyo Maakhir State lagu tilmaamo argagixiso iyo burcad-badeed, waana war ku tiri ku teen ah oo aan wax ka run ah jirin haba yaraatee, waxaana dhaxda u xiran doonaa sidii aan shacabkeena u samata-bixin laheyn” sidaana waxaa yiri Maxamed Deeq Sheekh C/laahi, oo ka mid yahay aas-aasayaashii Maamulka Maakhir State.

Ugu dmabeyntii, Mr. Maxamed Deeq, oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan boorka looga jafayo Maamulkooda, ayaa ugu baaqay Dowladda Jamhuuriyadda Somalia inaysan marin wadiiqooyinkii ay horey u mareen Dowladihii KMG-ka ahaa, islamarkaana ay ka fogaadaan waxyaabaha kalsooni darida ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu horeyeo musuq-maasuqa.

Contacts : Maxamed Deeq Sheekh C/laahi
Cape Town, South Africa

E-mail: - mcaxmed607@hotmail.com
Hayland10@hotmail.com

Cell phone: +27731076639
+27216912039

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)