|
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho si heer sare ah loo soo dhoweeyay+Sawirro
Mogadishu Khamiis 11 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo wafdiga madaxweynaha si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala waxa ay uga qeybgaleen munaasabad lagu xusayay 50- guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda, waxaana Wafdiga Madaxweynaha ka mid ahaa Taliyaha ciidanka XDS General C/qaadir Sheekh Cali Diin, agaasimaha hay’adda nabad sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi iyo madax kale oo la socotay Madaxweynaha Wafdigiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweyay Ra’iisul wasaarihii Xukumadda KMG ahayd, Ra’iisul wasaaraha cusub, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan.
Madaxweynaha ayaa markii uu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada qalabka side, waxaana halkaasi lagu garaacay Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya.
“Waxaan dalka Uganda uga qeybgalay sanadguuradii 50-aad markii Dowladda Uganda xurnimadooda ka qaateen Dowlada Ingiriiska” ayuu yiri madaxweynaha oo Warfidiyeenka kula hadlaayay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Warfidiyeen u sheegay inuu dalka Uganda kula kulmay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka socotay Beesha Caalamka, kuwaasi oo lagu martiqaaday Munaasabadaasi inay ka qeybgalaan.


*
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|