|
Maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha Cayr iyo Duduble oo ku dagaalamay ceel biyood ku yaala Muqdisho
Mogadishu jimco 12 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha Cayr iyo Duduble oo ku dagaalamay ceel biyood ku yaala Muqdisho
Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda beelaha Cayr iyo Duduble ayaa isku rasaaseeyay ceel biyood ku yaala xaafadda Buulo Xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo ku dhow hal saac uu hakad ku yimid isu socodka wadada u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska Km4.
Is rasaaseynta labada maleeshiyo ayaa waxaa markii dambe ku soo baxay ciidamada Booliska Dowladda, kuwaasi oo ku guuleystay inay joojiyaan is rasaaseynta maleeshiyooyinka beelaha Cayr iyo Duduble, iyadoo waxgaradka iyo odayaal labada beel ka soo jeeda ay bilaabeen waanwaan lagu qaboojiyo xiisada ka dhex oogan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in is rasaaseynta labada maleeshiyo ay ka dambeysay ceel biyood ku yaala xaafadda Buulo Xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo beel kasta ay sheeganeyso milkiyada ceelkas oo biyo ay ka cabaan inta badan dadka ku nool xaafadaasi.
Waa markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho uu ka dhaco dagaal dhex mara beelaha Muqdisho wada degan tan iyo markii Muqdisho laga saaray kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida oo ay ka saareen ciidamada Dowladda oo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|