Somali News
    Hees  

Safiirkii Soomaaliya u fadhin lahaa wadamada Iran iyo Yaman oo Dowladda Soomaaliya ay magacowday

Mogadishu jimco 12 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Safiirkii Soomaaliya u fadhin lahaa wadamada Iran iyo Yaman oo Dowladda Soomaaliya ay magacowday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacawday safiirada u fadhiyi doona Wadmada aan walaalaha nahay Iiraan iyo Yemen, kuwaasoo warqadahoodii aqoonsigooda u gudbiyay madaxweynayaaasha labadaas dal, Maxamuud Axmedinajad iyo Cabdi-rabbu Mansuur Haaddi.

Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji waa safiirka Soomaaliya ee dalka Yaman wuxuu tilmaamay in uu si rasmi ah howshiisa u billaabay shalay oo Khamiis ahayd, uuna rajeynayo inuu wax weyn ka qabto qoxootiga Soomaalida ah ee kusoo qulqulaya dalka Yemen; dhanka kalena uu xoojinayo xiriirka u dhexeeya labada dal.

Dhanaca kale, waxaa isna waraaqahiisa dajirenimo laga gudoomay Khaliif Kadiye Yaroow oo isna Soomaaliya Danjiraha u fadhiya Iraan ah waxaana uu sheegay in Madaxweynaha Iraan uu u gudbiyay salaan qaali ah oo uu kaga siday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wadamada Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxay leeyihiin xuduud badeed, waxaana sannad walba dalkaas tahriib ahaan ku galaya kumannaan Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood dhibaatooyin loogu geysto gudaha dalka Yemen.

Laakin ma jirto dad Soomaali ah oo Iiraan lagu dhibaateeyo maadaama ay aad u kala fogyihiin labada wadan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)