|
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay howl galada amniga lagu sugayo ee Muqdisho ka socda
Mogadishu jimco 12 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay howl galada amniga lagu sugayo ee Muqdisho ka socda
Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay howl galada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ka socda magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay hey'adaha ammaanka inay dar dar geliyaan sugida howlaha ammaanka.
Bayaan ka soo baxay culimada ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay suura geliyaan in magaalada ay noqoto ammaan, isla markaana shacabka iyo ciidamada ay wada shaqeyn dhex marto.
Culimada ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay suura geliyaan sidii ciidamada ay gacan ugu siin lahaayeen in laga hortago kooxaha nabad diidka ee falalka amni daro ka wada.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay tahay magaalo muhiim u ah dalka oo dhan, xasilinteeda ay qeyb ka noqoneyso magaalooyinka dalka oo dhan oo ammaan buuxa lagu soo dabaalo.
Sidoo kale waxaa loogu baaqay Ciidamada ammaanka inay howl galada ay joogteeyaan habeen iyo maalin, waxaana Culimad ay tilmaameen in xilligan magaalada ay ka jirto is bedel ganacsi oo ilaa habeenkii saq dhexe soo gaara.
Ugu dambeyn Culimada ayaa si buuxda u taageeray howl galada lagu xoreynayo degmooyinka gobolada, kadib markii dhowaan Ciidamada xooga dalka ay la wareegeen ammaanka degmada Wanlaweyn iyo deegaano kale.


Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|