Somali News
    Hees  

Xaflad Sagootin ah oo loo dhigay Oslo Norwey Wasiiru Dawlaha Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga iyo Arimaha Fadaraalka Dr. Sayid Maxamed Cabdulle Xassan

Oslo jimco 12 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad Sagootin ah oo loo dhigay Wasiiru Dawlaha Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga iyo Arimaha Fadaraalka Dr. Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, Xafladaas oo ka dhacday Dalka Norwey ee Casumadiisa Oslo.

Xafladaan oo ahayd mid si heersare ah loosoo agasimay ayaa waxay ka dhacday caasumada dalka Norway ee Oslo waxaana kasoo qaybgalay dhamaan jaaliyada Soomaliyeed ee dagan magaalada Oslo qaybaheeda kala duwan sida:

Odayaasha:
Dumarka:
Aqoonyahanka:
Dhalinyarada:
Wax'Garadka

Culuma'udiinka iyo kuwo kale oo badan.

Xafladaan sagootinta Wasiirka ayaa waxaa daadihinayay Afhayeenka jaaliyada Puntland Diaspora Forum Ciiro Axmed Hassan (dr ligle) ayaa waxaa lagufuray ayadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyay Daahir Xussen Tooxyare intaas kadibna waxaa makaroofanka lagusoo dhaweeyay gudoomiya jaaliyada Puntland Diaspora Forum C/qaadir Maxamed Jaamac oo ugu hanbalyeeyay wasiirka xilka cusub ee loo magacabay una sheegay inaay jaaliyada Puntland ee dagan dalka Norway ay utahay shaqsi kamid aha jaliyada inuu noqdo wasiir Puntland ah waana guul usoo hoyatay jaliyada puntland ee Norway.

Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay Suldaan Bashiir Maxamed Geele oo ku hadlayay magaca odayaasha Soomaliyeed ee dagan magaalada Oslo isagoo Bashiir u sheegay inuu aad ugu farxay xilka loomagacabay Dr.Sayid waxuuna Suldaanku goobtaas ka sheegay inuu hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin wasiirka cusub Dr. Sayid.

Intaas kadibna waxaa makaroofanka lagusoo dhaweeyay Wasiiru dawlaha cusub ee Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga iyo Arimaha Fadaraalka Dr.Sayid Maxamed Cabdule Xassan wasiirka ayaa waxuu si qota dheer uga hadlay waxbarashadiisii heerka jamacadeed oo uu kabilabay dalka Norway kadibna uu ku dhamaystiray dalka Malaysia isagoo ka qaatay shahadada PHD waxuuna aad ula dardarmay dadka jecel inaay siiwatan waxbarashada oo dagan dalka Norway inaay ku dadalan sidii aay uga mira dhalin lahayeen aqoontooda una siiwadan lahayeen.

Sidoo kale wuxuu Goobtaasi wasiirku ka sheegay inuu isagu ku hawlana sanadihii danbe kobcinta waxbarashada gobolada Puntland isagoo dadkii gobtaas fadhiyay usheegay inuu ahaa shaqsigii ka hirgaliyay magaalada Gaalkacyo jamacada Bariga Africa ee maanta ka hawlgasha gobolka Mudug.

Mar uu Wasiirki ka hadlayay markuu rabay inuu furo Jamacada Bariga Africa Faraceeda Magalada Galkacyo ayaa dadka jecel waxbarashada qaarkiis waydiiyeen su'al ahayd hadii anu jamacadan dhigano yaa na aqoonsanaya? waxuuna yiri waxaan ugu jawaabay dhalinyaradii su,ashaas iwaydiisay inaay iyagu marka hore is aqoonsadan markaas kadibna in cidwalaba aqoonsan doonto waayo waxuu yiri qofku markuu is aqoonsado oo isku kalsoonado ayaa umadaha kalana aqoonsadan nasiib wanag ayuu yiri waxaa dhacaday in arday kasoo qalinjabisay jamacada Gaalkacyood anu isugu nimid dalka Malaysia iyagoo usocda waxbarasho iyo anoo arday diyarinaya PHD marka waxuu yari aqoonta waxbarashu biniadanka waa u door mahiim ah.

Kor uqadida waxbarashada dayarta.

Mar uu wasiirku ladardarmayay walidinta Soomaliyed ee dagan dalka Norway casumadiisa Oslo ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa maadama aan ognahay in waxbarashadu tahay furaha nolosha waxaa mahiim ah inaan baadigoobno dariiqa ugu sahlan ee jiilka sookoraya ay ku helilahayeen waxbarasho hadii waaridku uu dareemo in waxbarashada wadanka marakaas uu joogo kuyara adkaato ilmaha amase ilmuhu usan xiisayanayan inuu wadankaas waxkabarto haysku dayo inuu meelkale albaabkeda garaco.

(1) Ilmaha waxbarashada halagu dhiiro galiyo.

(2) Ilmaha shaqo iyo lacag yaan lagula dagdagin hadii ayasan daruufi keenin waayo waxaay kaleexinaysa wadadii waxbarashada.

(3) Luqada Soomaliga yasan ilmuhu hilmaamin ee kudaalan taasna.

Intaaskadib ayuu waxuu wasiirku dadkii madashaas fadhiyay ka codsaday inuu uga baahanyahay Taladooda iyo tusaalahooda waxuuna yiri anigu waaan ahay shaqsi kamid ahaa jaaliyada Soomaliyeed ee dagan dalka Norway marka waxaan idiin ahay safiirkiinii idiin joogay Soomaliya sidaas daraadeed waa inaanu wadashaqayan buuxda yeelana oo aanu isku xirnaana hadii ilahay idmo.

Munasabadan sagootinta Wasiirka cusub aya waxaa kamid ahaa waxgaradki goobtaas ka hadlay
Nabadoon: Cabdiraxaan Sanyare:
Nabadoon: Maxamed Cali Qood:
Dr. Garbajoof:
Dr. Maxamed Cali Ismaaciil:
Nabadoon: Cagawayne
Dr. Daahir Xussen Tooxyare:
Abwaan: Cabdicasiis Yuusuf Max:
Marwo: Ifraax Xussen Nur Dirir:
Abdirisaaq Ali Hassan (Sanwayne) waa xildhibaan ka tirsan golaha deeganka gobolka Hedmerk:
Ing: Cumar dhere.
Mahad Kali.

Aqoonyahan: Maxmed Cabdulqadir:
Gabagabdii iyo gunaandkii ayaa xafladaas sagootinta ahayd waxaay kusoo idlaatay jawi dagan oo ay farxadi ku dheehantahay.





Suxufi: Farhan Yasin Mire isqootax

isqootax@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)