Somali News
    Hees  

Wariye Xasan Dhaaleey oo Hanjabaado daraadeed isaga cararay Soomaaliya

Mogadishu jimco 12 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wariye Xasan Dhaaleey oo Hanjabaado daraadeed isaga cararay Soomaaliya.

Wariye xasan Cali Dhaaleey, oo ka mid ah suxufiyiinta mudada dheer ka howlgalayay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho,ayaa waxa uu si lama filaan ah uga cararay Soomaaliya, ka dib markii uu kala kulmay kooxaha u dagaalama Xarakada Al-shabaab hanjabaado iyo digniino ku aadan in ay dili doonaan.

Hanjabaadaha loo jeedinayay suxufigaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa isi soo tarayay tan iyo markii dhawaan qarax lagula beegsaday tiro suxufiyiin ah xili ay ku qaxweynayeen maqaayad ku taala guriga hooyooyinka, taasoo sababtay dhimashada 3 suxufi iyo dhaawaca 7 – kale oo haataan qaarkood lagu dabiibayo isbitaalada Muqdisho.

Wariye Xasan Dhaaleey oo ah Suxufi ka soo shaqeeyay Idaacado iyo Teleefishino ku yaala muqdisho, ayaa waxa uu yahay shaqsi si aada loogu amaano hal abuurkiisa, inta badana ku dadaala ama isku daya in uu wax ka badalo shaqada saxaafada gaar ahaan barnaamijyada.

Suxufigaan ayaa intii aanuu ka bixin Muqdisho, waxa uu si kaftan ah ugu sheegi jiray suxifiinta qaar in uu aad uga walaacsan yahay joogitaanka Muqdisho, isla markaana kula talin jiray suxufiyiinta kale ee ay saaxiibada yihiin in ay socodka yareeyaan,taasoo markii danbe sababtay in mar qura lagu baraarugo in uu Muqdisho ka baxay.

Wariye Xasan cali Dhaaleey ayaa maalmo ka dib la maqlay inuu gaaray Dalka Swedan ,taasoo ay si aada u soo dhaweeyeen Suxufiyiinta kale, maadaama amaanka Muqdisho uu yahay mid ay wax waliba ka dhici karaan isla markaana aaanuu jirin sharci adag oo gacanta ku soo dhigi kara gacan ku dhiigle kasta oo dil iyo dhawaacba u geysta Suxufi Soomaalieed.

Wariye Dhaaleey, waxa uu hada ku jiraa xero qaxooti isaga oo rajeynaya in Dowladda Swedan ay dalkeeda ka siiso magangalyo, waxa uuse ku sheegay fariimo kooban oo uu soo diray in uu sii wadan doono Howshiisa Suxufinimo mar hadii uu gaaray goob amaana.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)