Somali News
    Hees  

Maleeshiyaad laba nin oo Xoolo dhaqato ah ku dilay maanta degmada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maleeshiyaad laba nin oo Xoolo dhaqato ah ku dilay maanta degmada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Wararka laga helayo duleedjka deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu diley labo ruux oo shacab ahaa.

labada nin ee la dilay oo ahaa xoolo dhaqato ayaa la soo sheegayaa in aano qabiil loo bartilmaameedsaday inkastoo wali aanu faahfaahin buuxda ka soo bixin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 nin oo hubeysan ay labada xoolo dhaqato ku toogteen duleedka Gelinsoor islamarkaana ay baxsadeen.

Dilka maanta ayaa loo aaneynayaa aano qabiil, gaar ahaan beelaha ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Ximin iyo xeeb iyadoo aaney walina wax war ah arintaani ka dhihin labada dhinac.

Waxaa marar badan horay u dhacay falal ceynkaan oo kale ah, iyadoo dalka Soomaliya ay caadi ka noqdeen dilalka sida micno darada ah loogu gaysto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, mana jirto dowlad awood u leh inay falalkaasi faraha badan ee tacadiyada ah wax ka qabato.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)