|
Midowga Africa oo dalbaday in Soomaaliya cuna qabateynta hubka laga qaado
Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midowga Africa oo dalbaday in Soomaaliya cuna qabateynta hubka laga qaado
Ururka Midawga Africa ayaa ka dalbaday golaha amaanka ee Q,M in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran mudada si ay u suurto gasho in la qalabeeyo ciidamada dawlada Soomaaliya.
War murtiyadeed laga soo saaray xarunta ururka Midawga Africa ee magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in golaha amaanka la weydiisanayo inay cuna qabateyn hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado si u dhacdo in qalab wanaagsan iyo agab ciidan oo dhameystiran ay heelaan ciidamada dawlada Soomaaliya oo hadda hawlgalo ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab ka wada gobolada Soomaaliya qaarkood.
Ururku waxaa uu sheegay in hadda Soomaaliya ay ka jirto ififaalo nabadeed oo ka dhalatay dadaalka ay sameeyeen ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM haatana loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin muhiim oo dadaalkaasi lagu sii xoojinayo.
War murtiyadeedka Midawga Africa kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidamada dawlada Soomaaliya ay u baahan yihiin agab ciidan si ay ugu guulaystaan sugida amaanka.
"Waxaa hadda muhiim ah in 15 xubnood ee Q,M ay Soomaaliya ka qaadaan cuna qabateynta hubka ee saaran si ciidamada Soomaaliya ay fursad ugu helaan sugida amaanka dalka oo dhan" ayaa lagu yiri war murtiyadeedka kasoo baxay xarunta midawga Africa ee Addis-Ababa.
War sidoo kale laga soo saaray xafiiska danjiraha ururka Midawga Africa u fadhiya golaha amaanka ee JQM ayaa waxaa lagu sheegay in beesha caalamka la weydiisanayo inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya nabadana lagu soo celiyo.
Ururka Midawga Africa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo fara badan oo boolis iyo militry iskugu jira kuwaasoo dawlada Soomaaliya ka caawiya dagaalada ay Al-Shabab kula jirto iyo sugida amaanka.
Dawladii ku meel gaarka aheyd ee uu hogaamiyay Sh, Shariif Sh, Axmed ayaa dhawr jeer Q,M ka dalbatay in cuna qabateynta dhanka hubka ah laga qaado Soomaaliya, Q,M ayaa Soomaaliya cuna qabateynta hubka dul saartay sagaashamaadkiii markaasoo ay bur burtay dawladii dhexe
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|