|
Koox Burcad badeed Soomaaliyeed oo dalka Holland lagu maxkamadeeyay
Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Koox Burcad badeed Soomaaliyeed oo dalka Holland lagu maxkamadeeyay
Maxkamad ku taala magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa xukun xabsi ah ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ee ka qawlaysta biyaha Soomaaliya.
Dacwad oogayaasha maxkamad ayaa sheegay in dhalinyaradaan Soomaalida ah oo gaaraya 9 ruux inay sanadkii hore biyaha Soomaaliya ka qafaasheen doon nooca lagu kaluumaysto ah oo dalka Iran laga leeyahay.
Gudoomiyaha maxkamada magaalada Rotterdam oo la yiraahdo : Annette Birschel ayaa ku dhawaaqay in dhalinyaradaan ay ku xukuman yihiin min 4 sano iyo 6 bilood oo xarig ah taasoo ay ku mutaysteen afduubka ay sameeyeen sida gudoomiyuhu yiri.
"Burcad badeeda ay ka tirsan yihiin kooxdaan aanu hadda maxkamadaynayno waxay halis ku yihiin amaanka gaadiid badeedka iyo dadka badaha ku safra" ayuu yiri : Annette Birschel.
Sagaalkaan ruux ee Holland lagu maxkamada lagu soo taagay ayaa lagu eedeeyay inay sanadkii hore qafaasheen doon kaluumaysi oo Iran laga leeyahay ayna la socdeen 14 oo Iraaniyiin ah kuwaasoo ay halis naftooda galiyeen.
Wakaaladda wararka Dutch-ka ee DPA ayaa ku waramaysa in dhalinyaradaan Soomaaliyeed ay qaarkood maxkamada ka hor sheegeen inaysan burcad badeed aheyn
Dhinaca kale kale koox ka tirsan burcad badeeda Soomaaliya ayaa maanta sii daayay markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Gariiga kadib markii ay lacago madax furasho ah ka qaateen.
Wararku waxay sheegayaan in markabkaan oo lagu magacaabo Free Goddess oo ay la socdaan 21 ruux oo shaqaale ah kuwaasoo badankood u dhashay dalka Filibiin.
Nin magaciisa ku sheegay Garaad oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters asagoo ku sugan magaalada Garacad ee deegaanadaPuntland ayaa sheegay inay markabkaasi ka qaateen lacago madax furasho ah oo dhan 5.7 million oo Dollarka Maraykanka ah.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaadkii hore sidaan oo kale sii daayay markab Giriiga laga leeyahay kadib markii ay madax furasho ka qaateen.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|