Somali News
    Hees  

Sacuudiga oo dadka Uganda u diiday xajka sanadkan

Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sacuudiga oo dadka Uganda u diiday xajka sanadkan.

Dadka Muslimiinta ah ee reer Uganda oo sanadkan isu diyaarinayay gudashada XAJKA ayaa aad uga caroiooday kadib markii uu safiirka Dowlada Saudi Araiba u fadhiya magaaladaKampala u diiday Visahii ay ku gali lahaayeen Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa ku andacootay in dalka Uganda uu ka jiro cudurka EBOLA , hase yeeshee taas ayaan aheyn mid sax kadib markii 4-tii bishan October 2012 ay hay'ada caafimaadka aduunka ( WHO ) iyo wasaarada Caafimaadka ee dalka ay si wadajir ah u cadeeyeen in cudurka EBOLA aanu ka jirin dalka Uganda kadib 42 maalmood ah ( 24 August 2012 - 4 October 2012 ) oo aan Cusbitaalada lasoo dhigin qof qaba cudurka taas oo si cad u muujisay in dalka Uganda uusan ka jirin cudurkaas.

Golaha sare ee Muslimiinta dalka dalka Uganda ayaa u soo jeediyay dadka reer Uganda in aaney sameyn wax banaan baxyo ah, isla markaana uu Allaah daalacanayo ajirkoodana ay heli doonaan,masjidka ugu wayn Uganda ee loo yaqaan QADAFI NATIONAL MOSQUE ayaa KHUDBADII jimcaha 12/10/2012 ee laga akhriyay dhamaanteed ku saabsaneyd arintan, waxaana diidmadaan lagu til;maamay mid siyaasad ku saleysan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)