Somali News
    Hees  

Gen. C/Kariin Dhega badan: "Al-Shabaab Kama hareyno ilaa aan ka saareyno dalka oo dhan..."

Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gen. C/Kariin Dhega badan: "Al-Shabaab Kama hareyno ilaa aan ka saareyno dalka oo dhan..."

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/kariin Yuusuf Aadan "Dhegabadan" oo suxufiyiinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Balidoogle ee gobolka Shabeelada hoose ayaa wacad ku maray in dalka oo dhan ay ka saarayaan kooxda Al-shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Degabadan ayaa hoosta ka xariiqay inay geedka oo ay ku dhuuntaan ay uga dabagalayaan kooxda uu ugu magac daray Jid iyo jihadiidka, waxaana uu tilmaamay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in shacabkooda ka dulqaadaan kooxdaasi.

"Kama hareyno jid iyo Jihadiika ilaa aan ka saarno dalka, iska dhaaf deegaanee inta geed ay ku dhuumanayo lagama harayo, macnaha ma ahan meeshi la qabsado in la iska fariisto, xitaa hadii la yimid Kismaayo waa la soo dhaq dhaqaaqayaa"ayuu yiri Jen Dhegabadan.

Jeneraalka ayaa sheegay in dhowaan ay isku furi doonaan wadada isku xirta Muqdisho ilaa Baydhabo, Kismaayo min Muqdisho, iyo Muqdisho min Beledweyn.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Al-Shabaab kala wareegay magaalooyin muhiim ah iyo deegaano istiraatiiji ah, iyadoo Al-Shabaab bilowday xeelad dagaal ay uga baxeyso magaalooyinka la soo saaro culeys.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)