|
Wafdi ka socda Maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaaray Degmada Hobyo (Daawo Sawirada)
Mogadishu Sabti 13 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wafdi ka socda Maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaaray Degmada Hobyo (Daawo Sawirada)
Wafdigan oo uu horkacayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shalay gilinkii danbe Soo gaaray Degmada Hobyo Halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Maamulka Degmada, Odoyaasha, Waxgaradka, Dhalinyarada, Ciidamada Ammaanka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo ayaa si weyn halkaasi ugu soo dhoweeyey Masuuliyiintan oo u jeedada safarkoodu ahaa indho indheynta Xaaladaha nololeed ee dadka ku dhaqan Deegmada Hobyo.
Soo dhoweyn ka dib Masuuliyiintan ayaa indho indheyn ku soo sameeyey Goobo ay ka mid tahay Dekada Degmada Hobyo halkaasi oo dhowaan Ciidamo kala taabacsan Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug ay isku risaaseeyeen iyagoona halkaasi kala hadlay Boqolaal ka mid ah shacabkii halkaasi ku soo dhoweeyey kana codsaday inay nabada iyo wada noolaashaha ka shaqeeyaan.
Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Max’ed Diiriye oo halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa ka sheekeeyey Xaaladihii ugu danbeeyey ee Degmada Hobyo iyo dhibtii dhowaan ka dhacday.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Amniga Maamulka Ximan iyo Xeeb Gaar ahaan kuwa Gobolka Ximan Maxamuud Cismaan Maxamuud oo isaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacbiyada kuwada nool Degmada Hobyo ay wada jir isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dhibaato ka dhex abuuto.
Dhankooda dad weynihii soo dhoweeyey Wafuuda ka socotay Maamulka ee gaartay Degmada Hobyo ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin in dhibaato laga dhex dhaliyo xiligan shacabka ku dhaqan degmada Hobyo.
Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Maamulka sida Wasiirka Arrimaha Bulshada Maraxab sh Cali Max’ed, Sii hayaha xilka Wasiirka Bada,iyo xanaanada xoolaha Qadar Faarax baciid, Agaasimaha Wasaarada Maaliya Gureey Gaada yar, Maamulka Gobolka Xeeb iyo Taliyaasha Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Xeeb ayaa la filayaa markii ay soo dhameystaan Kormeerkooda inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Cadaado.
Dhowaan ayey ahayd Markii Ciidamo kala taabacsan Maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug ay isku risaaseeyeen Degkada Degmada Hobyo iyadoona ay siyaabo kala duwan uga hadleen labada Maamul.















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|