Somali News
    Hees  

Xaflad casho sharaf ah oo loo sameeyay kooxda Somali Sport Klub oo guul taariikhi ah ku guulaysatay

G othenburgAxad 14 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad casho sharaf ah oo loo sameeyay kooxda Somali Sport Klub oo guul taariikhi ah ku guulaysatay

Waxaa xalay ka dhacday magaalada Gothenborg, Sweden casho sharaf loo sameeyay dhalinyarada kooxda Somali Sport Klub oo taariiqda markii ugu horeysay soo hooyay guul lam ilaabaan ah, guushaas oo u soo hoyatay dhamaan bahda isboortiga soomaaliyeed taasoo aheyd markii ugu horeysay oo koox soomaali ah u soo gudubtay division 6.

Cashada waxaa kasoo qeybgalay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida hogaanka naadiga, dhalinyarada kuwaa waaweyn iyo kuwa yaryar, odayaasha isboortiga iyo bahda saxaafada.

Waxaa cashada qudbado qiiro iyo wacyigelin wata kasoo jeediyay Gudoomiyaha naadiga Ibraahim Qalinle oo ka hadlay labadii sano oo uu hogaanka haayay iyo horumarka eey kooxda tiigsatay isla markaasna u mahadceliyay qaasatan dhalinta guusha soo hoyday oo ahaa lafdhabarka horumarka la gaaray.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Mr Adan Oor iyo Maxamad Diino oo labadaba ahaa aasasayaashii naadiga halkaasoo eey mahad gaar u celiyeen gudoomiye Ibraahim Qalinle iyo howshii uu qabtay oo run ahaantii laga helay natiijo la taaban karo.

waxaa iyagana hadalo gaaban ka soo jeediyay goobta macalimiinta kooxda sida macalin Cumar Gurey,Macalin Yoonis, Macalin Yariisow, macalin xiinow iyo faagte. Waxaa iyaganala ilaabi karin Oday Qaaluu Salaama iyo ganacsade Maxamad Shiino oo goobta ka jeediyay hadalo isugu jiray amaan iyo wacyigelin.

Ugu danbeyntii waxeey cashada kusoo gabagabowday guul iyo farxad isla markaana loogu hambalyeeyay naadiga in eey sii wadaan dadaalkooda.





























Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)