Somali News
    Hees  

Xildhibaan Cabdirashiid Khaliif “Diblumaasiyadu ma ogola 5 sano wax ka badan in safiir uu xil hayo, haddii kale wuxuu ku milmayaa siyaasadda dowladda uu la joogo…”

Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xildhibaan Cabdirashiid Khaliif “Diblumaasiyadu ma ogola 5 sano wax ka badan in safiir uu xil hayo, haddii kale wuxuu ku milmayaa siyaasadda dowladda uu la joogo…”

Xildhibaan Cabdirashiid Khaliif ayaa madaxweynaha dowladda federaalka Prof. Xassan Sheekh ka codsaday in isku Shaandheyn degdeg ah uu ku sameeyo safiirada dalalka dibedda u fadhiya dowladda federaalka, isagoo tilmaamay in isbedelka siyaasadeed ee ay Soomaaliya gashay in ay lagama maarmaan tahay inuu ku baaho dalalka caalamka.

“Diblumaasiyadu ma ogola in 5 sano wax ka badan uu safiir xil hayo, haddii kale wuxuu ku milmayaa siyaasadda dowladda uu la joogo, haddaba waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha dowladda federaalka in isku shaandheyn lagu sameeyo safiirada dalalka dibedda” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Khaliif, wuxuuna intaa ku daray in safiirada qaarkood ay ku goodiyaan inaan xilalka laga qaadi karin.

“Safaaradaha Soomaalida waxaa ku jira qaar safiiradu ay xilalka hayeen 10 sano, maxaa loo bedeli waayey.? waxaan ka codsanayaa dowladda cusub in ay hagaajiso xiriirka dalalka dibedda, sumcadii hoos bay u dhacday, waxaan ka rajeyneynaa R/wasaaraha marka la ansixiyo in tillaabada ugu horreysa ee uu qaadayo ay noqoto inuu isku shaan-dheyn ku sameeyo safiirada” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Khaliif.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)