Somali News
    Hees  

Roobabka Deyrta oo xalay saq dhexe ka bilowday Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood

Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Roobabka Deyrta oo xalay saq dhexe ka bilowday Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood

Robabka Deyrta oo si weyn loo sugayay ayaa xalay saq dhexe si rasmi ah uga bilowday magaalada Muqdisho iyo gobolada Koonfurta dalka, waxaana roobabka deyrta oo lagu diirsaday guud ahaan meelihii ay ka da'een gaar ahaan gobolada miyiga ayaa waxaa si weyn ugu farxay dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah.

Daryanka gugaca roobka iyo biriqda ka daba dhaceysa oo laga maqlayay magaalada Muqdisho xaafadaha ay ka kooban tahay ayaa dadka magaalada waxaa soo food saaray cabsi weyn, iyagoo uba qaatay in dagaallo faraha looga gubtay ay ka dhacayaan Muqdisho.

Roobabka xalay ka curtay Muqdisho iyo gobolada Shabeelooyinka ayaa ku soo beegmay xilli ay dadku si weyn u dhowrayeen, iyadoo hawaduna ahayd maalmahaan mid xiran oo aanay jirin dabeyl, jawiguna uu ahaa mid kulul, ayaa xalay markii ay roobabka deyrta bilowdeen waxaa la dareemay neecaaw iyo qabow ay ku diirsadeen noolaha oo dhan.

Dhinaca kale waxaa laga cabsi qabaa in roobabka deyrta ee ka curtay dalka inay saameyn ku yeeshaan xarumaha dadka tabaaleysan iyo barakacayaasha, kuwaasi oo xilli roobaadkaan u baahan gargaar dhinaca hoyga iyo caafimaadka ah.

Haddii ay roobabkani sii socdaan suuragal noqoneyso inay daadadka ka dhasha ay cagta mariyaan bushasha iyo dhismayaasha baakadaha ka sameysan iyo gebi ahaanba dhismayaasha qadiimiga ah, waxaana qaar ka mid ah hay'adaha samafalka ay ka digeen waxyeelo ka dhasha roobabka deyrta ee xilligaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)