Somali News
    Hees  

Kooxda DBG oo qodxaaley ka gudubtey horyaalka seria C

Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxda DBG oo qodxaaley ka gudubtey horyaalka seria C

Kooxda kubadda cagta ee DBG ayaa ciyaar aad u kulul la yeelatay kooxda Qodxaaley ciyaartaa oo ku tirsanayd horyaaalka heerka sadexaad ee dalka oo si habsami leh uga socda garoonka Jaamadacaha ee degmada Hodan G/banaadir.

Ciyaaryahanada DBG ayaa garoonka kusoo galay dar-dar waxaana ay doonayeen inay sii xoojiyaan hogaaanka hoyaalka, inakstoo kooxda Qodxaaley ay muujiyeen dadaal iyo isku xirnaaasho qeybtii hore ee ciyaarta oo ay sidoo kale fursado abuureen.

Si kastaba kooxda DBG ayaa waxaa ay ciyaartaasi kaga gudubtey 2-1 oo guul ah,waxaana goolasha u kala dhaliyey Ilyees Naani iyo Jibriil Shiine oo dhamaadkii ciyaarta dhaawac dhanka jilibka uga baxey ciyaarta,taasi oo ay wel wel ka muujiyeen maamulka DBG.

Dhamaadkii ciyaarta ayaaa kooxda Qodxaaley isku dayeysay inay goolka dheeraadka ee lagu lahaa iska soo gudaan, waxayna qaadeen weeraro culus laakiin waqtigii loogu talagaley ciyaarta 2-1 ayey kusoo dhamaatey, sidaasina waxaaa 15-dhibcood hogaanka kusii dheereysey DBG oo 5tii kulan ee ay ciyareen dhamaaan guuleystay.

by C/xafiid zaciimka

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)