|
Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya xeer hoosaad Baarlamaanka
Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya xeer hoosaad Baarlamaanka.
Waxaa maanta kulan ku yeelanaaya xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo ajanddo ku saabsan xeer hoosaadka.
Maxamed Gaarane Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ansixinayaan marka Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ay la yimaadaan waxqabad wanaagsan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa isna sheegay in kulanka maanta looga hadli doono ajanddo ku saabsan xeer hoosaadka, isagoo sheegay in mudanayaasha loo qeybin doono qoraallo ay soo diyaariyeen guddiyadii loo xilsaaray diyaarinta xeer hoosaadka baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaasheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa marka la ansixiyo lagula xisaabtami doono khudbada uu ka jeediyo Baarlamaanka hortiisa balan qaadyada uu ku sameeyo.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|