|
Habsami u sameynta Maamulada G/ Jubbooyinka
Mogadishu Axad 14 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Ku:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mogadisho
Og:- Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mogadisho
Og:- Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Jam. Fed. Som. Mogadisho
Og:- Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya Mogadisho
Og:- Safiirka Dawladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mogadisho
Og:- Safiirka Dawladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya Mogadisho
Og:- Safiirka Dawladda Djabuti u qaabilsan Soomaaliya Mogadisho
Og:- Xafiiska Taliska Guud ee AMISOM Mogadisho
Og:- Ururka IGAD
Og:- Dhammaan Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed ee dega Gobolada Jubbooyinka.
Ujeeddo:- Habsami u sameynta Maamulada G/ Jubbooyinka.
Ugu horreyntii waxaan salaamaynaa madaxda aan kor ku soo xusney kuna socota fariinteena , gaar ahaan waxaan u hambalyeyneynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka. Somaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda . Federalka Somaaliya.
Shir aan isugu nimid magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 09/10/2012 , dhammaan wax garadka Beesha Werdeey sida Suldaanka beesha Ugaaska Beesha, nabadoonada , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Culumaa’udiinka , dhalinyarada & Haweenka.
Shirkaas oo looga wada hadlaayey Qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo maamul ay u dhan yihiin beelaha wada dega Gobolada Jubbooyinka , dood dheer & talo ururin badan ka dib .waxay beesha werdeey go’aansatay talana ku soo jeedineysaa Sidan:-
-
In Salaadiinta , Aqoonyahanada & Syaasiyiinta Beelaha Soomaaliyeed ee dega Jubbooyinka ay isugu yimaadaan shir si loo sameeyo dib u heshiisiin beelaha Deegaana dhexdooda,si xal loogu helo khilaafaadka soo jireenka ah ee Beelaha ka dhex jira.
-
in laga tashado nabad ku soo celinta Goboladaas.
-
In la derso dastuurka cusub ee Federaalka ah qaabka loogu dhaqmi karo gobol ahaan.
-
In si dhab ah oo niyad ah loo wajaho maamul u sameynta Goboladaasi.
-
In Dawladda Federaalka & Dawladaha daneeya Soomaaliya ay gacan ka geystaan taakuleynta hannaanka cusub & maamulka ka soo baxa goboladaas.
-
Waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan ciidamada Xoogga dalka & ciidamada AMISOM Guulaha ay ka gaareen Gobolada Jubbooyinka.
-
Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wax kasta oo dibandaabyo ah , shirqool siyaasadeed , faragelin , ama koox gooni loo hubeeyo, lagana daayo siyaasadaha isd iidan oo aan horey uga soo daalnay .
FG.. Beesha Werdeey waa beesha ugu horeysay ee ee Beelaha kale ee Soomaaliyeed ugu yimaadeen dalweynaha Waamo oo manta loo yaqaano Jubbooyinka , haddana waxaan dooneynaa in beelaha kale si caddaalad ku jirto aynu la qaybsano ,siyaasadda , talada , kheyraadka , dhaqanka bulshada & wixii u dan ah beelaha Deegaanka ah ee Gobolada Jubbooyinka.
Wa Billaahi Towfiiq
-
Suldaan Maxamed Buulle Jiirow ____________________________
-
Ugaas Shide Dhimbil Maxamed ____________________________
-
Nabadoon ,Maxamed Qaasim Macalin ____________________________
-
Xildhibaan Cali Xasan Guyow _____________________________
-
Aqoonyahan Faarax Salaad Boorow _____________________________
-
Eng.C/Risaaq Xasan Geedi _____________________________
-
Aqoonyahan Haashim Sheekh Mahdi _____________________________

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|