Somali News
    Hees  

Taliyaha ciidamada Kenya oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay ciidamada Kenya soo galeen ciida Soomaaliya

Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Taliyaha ciidamada Kenya oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay ciidamada Kenya soo galeen ciida Soomaaliya

Wasaaradda gaashandhiga iyo Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in hawlgalkii ay ciidamadooda ka sameeyeen Soomaaliya uu noqday mid lagu guulaystay.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya Gen. Julius Karangi, oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii ay ciidamada Kenya soo galeen ciida Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in hawlgalkii ay ugu magac dareen Bad baadi qarankaaga ay ku guulaysteen oo ay kusoo afjareen halistii ka haysatay Xarakadda Al-Shabab sida uu yiri.

Sarkaalkaan la yiraahdo Gen. Julius Karangi waxaa uu sheegay in ciidamadooda ay caqabado badan la kulmeen kuwaasoo ay ka mid ahaayeen waqtiga ay Soomaaliya yimaadeen oo ahaa xilli Roobaad iyo iyagoo aan si fiican u kala aqoon dhulka hawdka ah ee Jubbooyinka hase ahaatee haddana ay ka gudbeen Al-Shabab oo ay ka saareen magaaladii ugu weyneyd ee Kismaayo.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa asna sheegay in ciidamada Kenya ay gaareyn guul taariikhi ah sida uu yiri.

Dawlada Kenya oo Soomaaliya ciidamadeeda soo galisay sanad ka hor ayaa waqti badan waxay ku qaadatay inay Al-Shabab ka saaraan magaalooyin istaraatiiji ah oo Kismayo ay kamid tahay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)