|
Degmo cusub oo lagu kordhiyay degmooyinka gobolka Banaadir
Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Degmo cusub oo lagu kordhiyay degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulankani balaaran oo ay oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir saraakiil sare oo katirsan ciidamada qalabka sida iyo waxgarad kamid ah dadka deeganka ayaa waxa ay lagu qabtay magaaladda muqdisho.
Kulankaan oo ahaa kulan loogu magacabay laguna so bandhigayay wareegto ka soo baxday xarunta madaxtooradda Villa soomaliya ayaa waxaa lagu magacaabay cusub cusub oo ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir oo lagu magacaabo degmadda Kaxda taasi oo ka mid noqoneysa degmooyinka Gobolka Banaadir.baslke uu horay u ansixiyay madaxweeyhihii hore ee soomalaiya shariif sheikh axmed. Kulanka ayaa intii uu socnayey masuuliyiinta Dowlada ee gaaray Degmadaasi waxa ay socdaalo kala duwan ku mareen qeybaha ay ka koobantahay Degmadaasi oo horey uga tirsaneyd Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir. Hase ahaatee wareegto kasoo baxday Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG, aheyd ee soomaliya lagu magacaabay Degmadaasi.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Warsame Max’ed Xasan Joodax oo halkaasi kahadlay kulankaasi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay lashaqeyn doonaan Degmada cusub, maamulkeeda iyo shacabka kudhaqan isagoo kula dar daarmay qeybaha kal duwan ee kusugan Degmada Kaxda in ay kashaqeeyaan xaqiijinta Nabadgalyadda deegaankaasi ay ku taallo degmadda cusub.
Gudoomiya Degmada cusub ee Kaxda C/wali Yuusuf Cumar oo isna halkaasi kahadlay ayaa sheegey inuu kasoo bixi doono masuuliyada loo magacaabay kana shaqeyn doono horumarinta Degmada marka laga hadlayo caafimaadka, dhismaha iyo Horumarinta iyo nabadgalayadda Waa degmadii 17 ee uu yeesho Gobolka Banaadir iyadoo ay xusid mudan in Degmada cusub ee Kaxda kal hore maamul ahaan ay hoostagi jirtay maamula Degmada Dharkenley hase ahaa iminka ay noqotay Degmo madaxbanaan oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|