Somali News
    Hees  

Ciidammo dheeraad ah oo ka socda Dowladda Jabuuti oo soo gaaray Gobolka Hiiraan

Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidammo dheeraad ah oo ka socda Dowladda Jabuuti oo soo gaaray Gobolka Hiiraan.

Ciidammo dheeraad ah oo ka socda xukumadda dalka jabuuti ee aanu nahay walaalaha ayaa soo gaaray gobolka Hiiraan ee gudaha dalka soomaliya kuwaasi oo qeeyb ka ahaa ciidamo kale oo reer jabuuti ahaa oo halkaasi kusugnaa in dhawalaba kuwaasi oo garayay ku dhowaad kun askari oo ka
tirsan AMISOM oo loo qorsheeyey iney gobolkaasi ka sugaan dhinaca nabadgalyadda iyo xasiloonidda.

Ciidammadan oo ah kuwo si aad ah u hubeysan una tababaran kuna hubeysan hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay dalkoodda uga soo baxeen dhinaca lugta ah kuwaasi oo gobolka Hiiraan ka soo galay dhinacaxadka ay soomaliya la wadaagto xukuumadda dalka itobia ayagoo markoodii horena safar dhanka dhulka ah oo ay Jabuuti ugasoo ambabaxeen kusoo maray Ethiopia.

Tirada Ciidammadan cusub ee soo gaaray gobolka Hiiraan ayaa waxa ay yihiin 300 Askari waxaana ay wataan taangiyo ilaa 60 gaaraya sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidammada ururka Midowga Afrika ee AMISOM. Ee ka hawlgalla gobolkaasi Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa horey ugu sugnaa boqolaal askari oo ka tirsan AMISOM islamarkaana ka yimid dalka Jabuuti ayadoo qorshuhuna uu yahay iney Ciidammadan gobolkaasi kala wareegaan kuwa dalka Ethiopia oo markii hore Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya gacan ku siiyey in deegaanno iyo degmooyin ka tirsan bartamaha Dalkeenna laga xoreeyo Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.ee halkaasi ka atalinaayay

Dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa imaanshiyaha ciidamadaan si weeyn u soo dhaweeyay iyagoo kuwaan kuwii ka sii horeyna sidaas si la mid ah usoo dhaweeyey.

Ciidammo ka socda Dalka Jabuuti ay deegaannada gobolkaasi ka howlgalaan ayadoo ay sidoo kale dadku wada xusuustaan gurmadkii ay Ciidammada dalka Jabuuti u fidiyeen dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle todobaadyo ka hor.fatahaadaasi oo ay ku waxyeelobeen dad iyo duunyo fara badan eek u noolaa gobolkaasi hiiraan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)