Somali News
    Hees  

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’ada Nabadsugida ayaa xalay lagu weeraray hoygiisa oo ku yaala xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid

Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sarkaal sare oo ka tirsan hay’ada Nabadsugida ayaa xalay lagu weeraray hoygiisa oo ku yaala xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyadiin Xasan Jurrus ayaa warbaahinta u sheegay in xalay kooxo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen hoy uu ka deganaa xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid sarkaal ka tirsan hay’adda Nabadsugida dowlada
Somlia.

Waxaa uu sheegay gudoomiyuhu in iska horimaad uu dhaxmaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowlada, hase yeeshee ma tilmaamin guddoomiyuhu wax qasaare ah oo goobta ka dhacay.

“Xaaladu saaka waa mid degan, Waan kala erinay kooixihii weerarka soo qaaday, mana jirto cid aan ka qabanay” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada yaaqshiid Muxudiin Jurrus.

Dhinaca kale dagaal qasaare geystay ayaa xalay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhaxmaray degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir kaasoo ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo tira kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalka ayaa la sheegay in maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku soo qaadeen koontarool ciidamada dowlada ay ku lahaayeen degmada Dharkenley, waxana intii uu socday dagaalka la isku adeegsaday hubka nuucyaadiisa kala duwan.

Gudoomiye ku-xgeenka degmada Dharkeynley, Yuusuf Kabaalle oo isna saakay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo weeraray koontarool ciidamada dowladda ay ku suganaayeen oo ku yaalla xaafadda Xoosh.

Waxaa uu sheegay gudoomiyuhu in ciidaamada dowlada ay iska difaaceen weerarka gaadmada ah ee lagu soo qaaday hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay inay jiraan hoobiyaal ku soo dhacay xaafada ka mid ah degmada Dharkenley lamina oga baa laleeyahay qasaaraha ay geysteen.

Dagaalada xalay ka dhacay degmooyinkaasi ayaa imaanaya xili kooxda Al-shabaab gobolka Banaadir u magacowday Cali Maxamed Xuseen Cali Jamal kadib markii abuu C/raxmaan oo xilkaasi haayay bayaan ka soo baxay ururuka xilkii looga qaaday.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)