|
Michele Cervone: "Dadka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in sameeyaan dadaal waliba ay ku gaari karaan hormar islamarkaana ay kaga bixi karaan dhibaatada iminka wadankooda ka taagan.."
Mogadishu Isniin 15 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Michele Cervone: "Dadka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in sameeyaan dadaal waliba ay ku gaari karaan hormar islamarkaana ay kaga bixi karaan dhibaatada iminka wadankooda ka taagan.."
Midowga Yurub waxaa uu shaaciyay si loo xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya inuu fulin doono mashaariic hormarineed.
Michele Cervone oo ah ergayga gaarka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan mashaariic fara badan oo NGO-yada wadanka Soomaaliya ay kaga faa’ideysanayaan si dadka Soomaaliyeed ay o u gaaraan isku filnaash.
"Dadka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in sameeyaan dadaal waliba ay ku gaari karaan hormar islamarkaana ay kaga bixi karaan dhibaatada iminka wadankooda ka taagan" ayuu yiri Michele Cervone
"tani waa wadadii aan kuwada shaqeyn lahayn Xukuumada cusub ee Soomaaliya xitaa dadka rayidka ah waxa ay door muhiim ah ka qaadan karaan in dib u dhisaan wadankooda Soomaaliya" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Waxaa uu sheegay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya in mushkilada Soomaalida ka dhaxtaagan looga gudbi karo oo kaliya inay isku duubnaadaan isla markaana ay xaliyaan khilaafka dhaxdooda ah.
Midowga Yurub ayaa hay’adaha NGO-yad ugu baaqay in xoojiyaan xariirka wada shaqeynta ah ee u dhaxeysa Midowga Yurub iyo NGO-yada caalamiga, taasi oo Soomaali fara badan ka saacidi karto inay ka faa’ideystaan dhanka deeq bixinta.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|