|
Dowladda Sacuudiga oo mamnuucay soo dhoofsashada dhuxusha dalka Soomaaliya
Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Sacuudiga oo mamnuucay soo dhoofsashada dhuxusha dalka Soomaaliya.
War ay si wada jir ah ay u soo saareen wasaaradaha Maalyadda, Ganacsiga iyo warshadaha iyo tan arimaha dibadda boqortooyada sacuudiga ayaa waxa ay ku sheegeen inay fulinayaan go’aankii golaha amaanka ee QM ee lagu mamnuucay soo dhoofsashada dhuxusha somalia islamarkaana ay qaateen go’aan ay ku joojiyeen iibsiga dhuxusha somalia.
Warka ay soo saareen wasaaradahan boqortooyada sacuudiga ayaa waxa ay ku sheegeen inay in dhuxusha somalia ee la keeno sacuudiga ay gaalmo u tahay xarakada al shabab oo bahwadaag la ah ururka al qaacidda sidaa darteedna dowladda sacuudiga aysan dooneyn in Al shabab dhuxusha ay ka helaan dhaqaalao ay ku sii wadaan dagaalada ay kala soo horjeedaan dowladda Xasan Shiikh Max’ud uu madaxda ka yahay iyo ciidamada AMISOM.
“Waa in la jiijiyaa dhamaan dhuxusha ka soo dageysa degadaha boqortooyada sacuudiga Aribiya oo somalia ka imaaneysa “ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay boqortooyada sacuudiga.
Dowladda sacuudiga ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha mareykanka hishiiska kula galay la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada , waxana boqortooyada sacuudiga al shabab ay u tixgelisay Urur argigixiso oo al qaacidda xiriir la leh sida ku xusan warka saaray ka soo baxay boqortooyada sacuudiga.
Dowladda kuwait ayaa talaabadan mid lamid ah horay u qaadatay, islamarkaana u mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha dalka Soomaaliya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|