Somali News
    Hees  

Dowladda Faransiiska oo qorsheynaya inuu bad baadiyo sarkaal Soomaaliya looga haysto

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowladda Faransiiska oo qorsheynaya inuu bad baadiyo sarkaal Soomaaliya looga haysto.

Wasaradda difaaca dalka Faransiiska ayaa sheegtay inay ka shaqeynayso qorshihii lagu bad baadin la heyste dalkaasi u dhashay oo Soomaaliya ay ku haystaan Xarakadda Al-Shabab.


Wasiirka gaashaandhiga dawlada Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo la kulmay saraakisha hay’adaha hay’adaha amaanka dalkaasi ayaa waxaa uu sheegay inay lama huraan tahay in laga shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa sarkaal Faransiis ah oo ay gudaha Soomaaliya ku haystaan Xarakadda Al-Shabab kaas oo lagu magacaabo Denis Allex oo Muqdisho laga qafaashay sanadkii 2009.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran ay dhawr mar soo saareen cajalad muuqaal ah oo muujinaya nolosha Allex taasoo uu tilmaamay inay qasbayso inay ka shaqeeyaan sii daysmadiisa.

Wasiirku ma sharaxin qaabka uu noqon doono sii daysmada sarkaalkaan Soomaaliya lagu haysto ee ka tirsan hay’adda sirdoonka Faransiiska ee DGSE.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska ayaa xustay in qorshahaan ay ku jiraan 6 ruux oo kale oo Faransiis ah oo lagu haysto waqooyiga wadanka Mali kuwaasoo ay haystaan dagaalyahano hubeysan oo Al-Qacida ku xiran oo dalkaasi Mali ku sugan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)