|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD
Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

(Mogadishu, Somalia, October,16, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ballaaran ee uu hogaaminayey Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin Dowladdda Soomaaliya .
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD tageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

- Dhamaad –
Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|