Somali News
    Hees  

Xoghayaha XSKC oo sheegay in gadaal looga sheegay MRI SCAN

Mogadishu Talaado 16 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xoghayaha XSKC oo sheegay in gadaal looga sheegay MRI SCAN

Kadib markii xulka Qaranka da'yarta (U17) ee dalka Soomaaliya dhibcihii laga qaadey islamarkaana XSKC ay ka gaabiyeen mudadii loo qabtey inay u soo gudbiyaan CAF cadeymaha Magnetic Resonance Imaging (MRI) ee laga rabey ciyaartooydii ka badisey kooxda da'yarta (U16) dalka Sudan, ayaa waxaa soo baxdey in caro iyo niyad jab ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan, islamarkaana Saxaafada isboortiga wax ka qorta ay soo daabaceen inay xulka Qaranka dalka Soomaaliya laga reebay ciyaarihii Africa .

Waxaa wareysi bixiyay Qurbajooge Cabdi Qani Siciid Carab oo degan dalka Holland ahna Xoghayaha XSKC, wuxuuna sheegay in gadaal looga sheegay in laga rabo MRI Scan ciyaartooyda Soomaaliyeed, kadib markii ay ka badiyeen kooxda Sudan, sidaa daraadeedna aysan heli karin lacag ay ku marsiyaan kooxda dhan baaritaanka Magnetic Resonance Imaging. isagoo yiri ma heyno lacagtaas oo ku qiyaasey 30.000 Dollar, waxaanse ognahey in budget FIFA ay ku siiso XSKC ka qayb gal kasto ay ka qayb qaataan cayaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika, hadii ay ahaan laheyd qarashaadka diyaargaroowga, safarka, degaanka, qalabka iyo dabcan MRI Scan xataa wixii kaga baxo oo qarash ah dib ayay ugu dalacdan, balse lama doonayo in kooxda horumar sii sameyso madaama qarash kale in la sii galiyo la dooneynin, sida ay nagu soo wargaliyeen ilo wargal ah oo kooxda ka mid ah oo aanan dooneynin inaan shaacino magacyadooda.

Hadii ay run tahey qarash la'aanta maxaa ka celiyay in ay dowlada Soomaaliya weydiistaan 30.000 Dollar waqtiga hada la joogo dekada iyo garoonka canshuurta ka soo xarooto ayaa ku filan in laga siiyo, balse ma rabaan in wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada lala yeesho wada shaqeyn.
Hadaba waxaan arinkaasi ka hadalney Mudane Siciid haybe '' Siciid Zeno'' oo ah nin dhalinyaro ah oo bartey Sports Management oo degan magaalada London, wax badan la socdo isboortiga Soomaaliya kan Caalamka, wuxuuna sheegay in xiriirka kubadda cagta dalka Soomaaliya ay leeyihiin qaladka ayna ku talagal u sameyeen arinkaan, si ay uga haraan cayaaraha qarashaadkana ugu baaqdo, kadib markii dhalinyarada ay ka soo baxeen kaalintoodii.

Waxaa kale arinkaan isna ka hadley Garsoore Maxamed Cali Weerow, wuxuuna yiri ''Horta maalin kasto gadaal miyay wax ka ogadaan GOS & Xiriiradooda", wuxuuna tusaale u soo qaatey arinkii Cabdi Bile ee London 2012 iyo arinkaan dhibcaha looga qaatey dalka Sudan, "meeshan aqoon daro iyo maamul xumo weyn ayaa ka jirta, waxaana muhiim ah in isbadal lagu sameeyo maamulka isboortiga dalka oo dhan'' Ayuu hadalkiisa raacsaday.

Dhinaca kale waxaa macquul aheyn in xogahayaha saxaafada u sheego waxaan macquul aheyn oo ah in gadaal loogu soo wargaliyay in laga rabo MRI Scan markii ay badiyeen kadib, waayo CAF sharcigaan ma ahan mid ay hada soo saartey oo Soomaaliya loogu qaadayo dhibcaha, waayo sida ku cad website FIFA qaybta sharciyada kubadda cagta (FIFA Rules) sanadku markuu ahaa 2009 cayaarihii da'yarta Aduunka ( FIFA under - 17 World Cup) ayaa la soo saarey, lana hirgaliyay in baaris lagu sameeyo dhamaan ciyaartooyda ka qayb galeysa tartankaan oo ay soo maraan Magnetic Resonance Imaging (MRI), hadane waxaa la joogaa 2012.

XSKC sharci jira oo ku cad FIFA & CAF oo aan la dafiri karin ayaa horyaal oo aysan ka gudbi karin, sidaa daraadeed waxaa cad inay ku talagal loo sameeyay dhacdadaan, waxaana tusaale ku filan labo arimood ee soo socdo, bal u fiirso maskaxdaada ka shaqeysii fadlan :

1- sababta ay u baajiyeen ciyaartii hore (Home Game) ay kula dheeli lahaayeen kooxda Sudan dalka Jabuuti maxay tahey?.

2 sharci 4 sano dhan lagu soo maamulayay cayaaraha U17 Afrika iyo Under 17 World Cup in noola sheego maanta, ma maqlin ama gadaal ayaa noolaga soo sheegay,waxaan u aragnaa in labo midood ay keeni karto hadalka Xoghayaha.

1- in aqoon la'aan u geysay xaga sharciyada kubadda cagta oo aysan iska aqrin marka ay tartamada ka qayb galayaan shuruucda laga rabo oo dhan, kuwa xaqa ay u leyihiin ama aysan u laheynba ama ku talagal loo sameeyay oo ayba sii qorsheysteen inaysan wareega labaad kooxdooda u gudbin madaama hal ciyaar inay kula dheelaan (Away Game) magaalada Khartoum ay u qorsheysneyd kadibna ay ku hari doonaan halkaas, balse filan waa dhalinyaradii waa badiyeen. shacabka Soomaaliyeed farxad halka XSKC murugo iyo naxdin u bilaabatey.

2- qodob mid waa inuu aqbalaa xoghayaha madaama uu afkiisa ku sheegay sababta loo ganaaxey kooxda inay tahey masuuliyad daro dhacdey, waana inuu dhabarka u dhigtaa madamaa uu yahey xoghayaha XSKC, labo wado kale ayaa u furan inuu is casilo ama shaqada laga eryo oo la soo magacaabo nin buuxin kara shaqadaas baaxada weyn, koley Soomaali is casilo lama arag, waxaa haboon inuu raali galin ka bixiyo nasiib darada ku dhacdey kooxda Qaranka.

FIFA & CAF (FIFA wants MRI scans used ) sababta ay sharcigaan Magnetic resonance imaging (MRI Scan) u soo saareen waxay tahey kadib markii ay badatey muranka ciyaartooyda wadamada Afrika ciyaartooyda ay soo saftaan tartamada caalamiga ah Under 17. U16. U15. U14 marka ay la dheelayaan wadamada horumarey, kuwaasoo koobabka dhan ku qaada si sahlan, madaama ay ciyaartooy da' waaweyn dheelsiyaan, si loo kale cadeeyo muranka tira badan iyo shakiga ayaa waxaa la soo saarey sharci ah in dhamaantood lagu soo baaro MRI Scan, sida daraadeed CAF & FIFA ma ahan kuwa Soomaaliya kaga eexday dalka Sudan, balse XSKC ayaa ka gaabiyay inay sameeyaan fuliyaan waxyaabaha laga rabey.

Tusaale ahaan wadamo badan oo ku yaal Qaaradaha Africa. Asia. South America ayaa hore loogu soo ganaaxey sida hada Soomaaliya ku dhacdey oo kale, wadamadaasna waxaa ka mid ah Nigeria.Cameron. Kenya. Senegal iyo qaar kale oo farabadan, marka hadane ma ogeyn iyo hadaa noola soo sheegay ma noqon karto qiil iyo marmarsiiyo looga baxsado masuuliyad daro.

Hada ka hor waxaa dhacdey inuu yiri macalinka kooxda Japan Philippe Troussier ''The 1999 FIFA U-17 World Championship saw Nigeria beat Japan 9–0, following the game Japan's French manager Philippe Troussier quipped that he saw one of Nigeria's U-17 players enter a taxi "with his wife and two children and then driving home" implying that Nigeria had fielded over-age players.

Habada sheekada XSKC waxa ay la mid tahay qisadaan ''We use over-age players for junior championships, I know that. Why not say it? It's the truth. We always cheat. Anthony Kojo Williams, NFF Chairman, 1999-2000''.

Magnetic resonance imaging ''

The mandatory use of Magnetic resonance imaging (MRI) was introduced by FIFA in 2009 for the FIFA Under-17 World Cup to help ascertain whether players are over age or not.

The researchers had classified the scans into 6 grading system, as follows:

Grade Comment Eligibility for U16/U17 tournament

1 . Completely unfused (physis may be thin): Player eligible

2. Early fusion: minimal hyper intensity within physis :Player eligible

3.Trabecular fusion of less than 50% of radial cross-sectional area (number of sections (full width) with fusion below 50%) :Player eligible

4.Trabecular fusion of more than 50% of radial cross-sectional area (number of sections (full width) above 50%) or more than 5 mm non-fused on any one section :Player eligible

5.Residual physis, less than 5 mm on any one section: Player eligible

6.Completely fused : Player not eligible

Age fraud in association football ''Age fraud is a term for age fabrication or the use of false documentation to gain an advantage over opponents. In football, it is common amongst players belonging to nations where records are not easily verifiable. The media often refer to the player with false documentation as an "age-cheat".

W/D: Yusuf Yusuf

Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)